AL-SHABAAB ‘oo laga dilay’ 200 oo dagaalyahan kadib weerar cirka iyo dhulka ah

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa weerar qorsheysan ku qaaday degaanka Ceel-hareeri oo ku yaalla xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka oo ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ayaa socday muddo saacado ah, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska ee Danab G/le Axmed Cabdulaahi Beeryare ayaa warbaahinta ciidamada qalabka sida u sheegay in dagaalka ay barbar socdeen duqeymo dhinaca cirka ah, islamarkaana lagu dilay 200 oo xubnood.

Wuxuu sheegay in Ciidanka DANAB oo kaashanaya dadka degaanka ay howlgalka si wadajir u fuliyeen, islamarkaana degaano dhowr ah oo u dhow degaanka Ceel-hareeri ay ciidamada la wareegeen.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay burburiyeen saldhigyo ay gobolka Hiiraan kaga sugnaayeen ayna sii wadi doonaan howlgallada ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saarayo guud ahaan ďalka Soomaaliya.

Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka qarxay kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana deegaanadaas kooxda looga dilay dagaalayahano badan waxaana sidoo kale laga qabsaday deegaano badan oo ay gacanta ku heysay sanado badan.