Saldhigii ay Al-Shabaab ka difaacayeen degmada Aadan Yabaal oo u gacan-galay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo maleeshiyada dib u xoreynta Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay inay ka wareegeen difaacii ugu weynaa ee Al-Shabaab u yaallay Gobolka Hiiraan, kaasoo ku dhow xaruntooda degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaal culus oo billowday shalay subax ayaa soo gaaray illaa xalay, waxaana dhowr jeer lagu dagaalamay degaanno ka tirsan degmada Jalalaqsi, markii ay weerar ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo ka war helay Shabaab isku urursanaya halkaasi.

Saraakiisha maleeshiyada degaanka ayaa sheegay inay ugu danbeyn Al-Shabaab ka qabsadeen saldhiggii ugu weynaa ee Ceel-hareeri oo 20 KM u jira degmada Aadan Yabaal oo laga difaacayey, ayna gaarsiiyeen khasaare fara badan.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab looga dilay dagaalka ilaa 40 dagaalame, dhaawacayna intaas ka badan yihiin, halka wararka qaarkood ay dhimashada ka badinayaan, waxaana guul ka sheegtay dagaalka saraakiisha ciidamada dowladda iyo maleeshiyada degaanka.

Waxaa dagaalka qeyb ka aahaa ciidmaada Danab oo taageero ka helaya Diyaaradaha Drone-ka Mareykanka. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegay inay dagaalkii maanta ku dishay 36 askari oo uu ka mid yahay Axmed Muuse Fiidoow oo ah sarkaal u dhow Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Guuldarrada Al-Shabaab ee looga qabsaday degaanka Ceel-hareeri ayaa imaneysa ayada oo dhowaan laga qabsaday degaanka Masaajid Caligaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ku lahaayeen saldhigga labaad ee ugu weyn ee ay ku lahaayeen gobolka.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegaya inay hadda maalmo un naga xigto in Shabaabka laga saaro Aadan Yabaal.