Ganacsade Soomaali ah oo Mareykanka uu xayiraad saaray oo jawaab bixiyey

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa Taladaadii soo saartay liiska dad Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay hubka soo geliyaan Soomaaliya, kuwaasoo lagu soo rogay cunaqabateyn.

Ragga magacyadooda ay ka muuqdaan liiska uu soo bandhigay Mareykanka waxaa ugu horreeya Liibaan Maxamed Yuusuf oo lagu sheegay in uu horay u ahaan jiray sarkaal sare oo Amniyaadka Al-Shabaab kala shaqeyn jiray fududeynta afduubyada. 

Maraykanka ayaa sheegay in Liibaan uu ka tirsanaan jiray Amniyaadka Al-Shabaab, hadda se uu yahay ganacsade si rasmi ah ugu shaqeeya ururka Daacish ee Soomaaliya. Waxaa lagu tilmaamay in shirkaddiisa Liibaan General Trading Co uu lacago u marsiiyay ururkaas.

Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Liibaan uu ka mid yahay kooxaha sida sharci darrada ah hubka ku soo geliya dalka. Sidoo kale Maraykanka ayaa u haysta inuu taageero muuqata u fidiyay ururka Daacish ee Soomaaliya.

Hase yeeshee Liibaan Maxamed oo wareysi uu siiyay BBC-da ayaa ka jawaabay eedeymaha loo jeediyay isaga iyo shirkaddiisa.

“Wax aan aad ula yaabay weeye, aniga waxaan ahay nin reer Puntlander ah, 91-kii ayaan halkan imid, waxaana tan iyo markaas ahaa ganacsade. Ma ahi nin la isweydiinayo oo la leeyahay Liibaan waa kuma?. Arrintan aad ayaan ula yaabay,” ayuu yiri Liibaan. 

Mar Liibaan la weydiiyey inuu 2013 ka tirsanaa amniyaadka Al-Shabaab, sida Mareykanku sheegay, wuxuu ku jawaabay “arrintaas wax ka jiraa ma jiraan. 2013-kii waa xiligii dowladda Faroole, dhammaan dowladihii ka jiray Puntland-na waa I garanayaan.”

Liibaan ayaa sidoo kale beeniyey inuu xiriir la leeyahay kooxda Daacish ee Soomaaliya.  

“Arrintaas waxaan ka leeyahay wax ka jiraa ma jiraan. Waxaan diyaar u ahay in Mareykanka ugu tago meel kasta oo uu doono, waxaana qabsanayaa abuukaate, arrintaas ma ahan mid aan ka harayo,” ayuu yiri.

Liibaan ayaa sidoo kale sheegay inaysan waxba ka jirin eedeynta Mareykanka ee ah shirkaddiisa ay lacag siiso kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Mar la weydiiyey inuu hub sharci-darroo ah keeno Soomaaliya, wuxuu Liibaan ku jawaabay “Aniga weligey hub kama ganacsan, maraakiib kalluumeysina kama ganacsan. Shirkaddeyda waxa ay ka ganacsato waa la yaqaan, waxaana leeyahay shati.”

Liibaan ayaa sheegay in sababta liiska Mareykanka loogu daray ay tahay arrin ay ka dambeeyaan dad ay siyaasad iyo ganacsi isku hayaan, kuwaas oo uusan magacaabin. 

Liiskan cusub ee uu Mareykanka soo saaray ee ay Soomaalida ku jiraan ayaa noqonaya midkii labaad ee uu dalkaas soo saaro muddo ka yar saddex todobaad.

Mareykanka ayaa 17-kii bishii October shaaciyay magacyada rag Soomaali ah oo uu ku daray liiska argagixisada, kuwaasoo uu ku eedeeyay in ay Al-Shabaab ka caawiyaan dhinaca dhaqaalaha.

Hoos ka dhageyso wareysiga Liibaan