Xiriirka Soomaaliya iyo Qatar – Caqabadaha iyo RAJADA mustaqbalka (Xog-warran)

Maalin kaddib, kulankii Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo Amir Sheekh Tamim bin Xamad Al-Thani ayaa Dr. Cabdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi loo magacaabay danjiraha dalka Qadar u fadhiya Soomaaliya.

Magacaabidda waxaa xiiso u yeelaya in safiirkii hore Xasan Xamza Asad Hashem oo hayay xafiiska tan iyo Abril 21, 2018 uu aad ugu dhowaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo lataliyihiisii Fahad Yaasiin.

Xilhayntii hore ee Xasan Sheekh, Qadar ayaa matalaad hoose “chargé d’affaire” ku haysay xiriirkeeda Soomaaliya. Balse, muddo xilhayntii Farmaajo ayuu xiriirku isku rogay mid iskaashi hammi leh oo sii kobcay wixii ka dambeeyay khilaafkii “Khaliijka Carbeed” oo ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay mowqif dhexdhexaad ah.

Danjiraha oo galaangal lixaad leh ku lahaa Nabad iyo Nolol ayaa ka il damuuqsaday afgambigii muddo kordhinta (Abril 2021) oo hoostiisa lagu qooshayay. Siyaasiyiin badan oo waqtigaas mucaarid ahaa ayaa khaladka Danjiraha u arka mid Dooxa ku lug lahayd, walow Muqdisho loo soo diray Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani oo door wacan ka qaatay xal u raadinta doorashadii murugsanayd.

Iyadoo raacaysa aragtida dib u soo kabashada qaranka ayay ku deeqday dalka maalgelin dhan 200 malyan doolar oo lagu dhisay waddooyin isku xira suuqyada caasimadda Muqdisho iyo goobaha wax-soo-saarka ee magaalooyinka Afgooye iyo Jawhar. Qadar oo aan dadaal hagran ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin maareynta xaaladaha degdegga ah iyo musiibadahaba.

Isku beddelka diblomaasiyiinta ayaa muujinaysa in xiriirka Dooxa iyo Muqdisho uu ka weyn yahay shaqsi, xilli siyaasiyiinta UPD ku kala aragti duwan yihiin iskaashiga Dooxa. 

Xiriirka maalgashiga dhaqaalaha ayaa sii kordhay kaddib markii “Qadar Airways” ay bilawday duullimaadyada tooska ah ee Muqdisho. Dooxa ayaa ballanqaaday inay maalgashato dekedda Hobyo oo muhiim u ah soo gelidda suuqyada Afrika.

Qadar waxay taageero deeqsinimo leh ka gaysataa casriyeenta ciidamada amniga iyadoo dalka ku deeqday 68 gaadiid dagaal oo casri ah, maalgelisana askarta uu Turkigu u tababbaro la dagaallanka argagixisada.

Ergeyga u fadhisa Qaramada Midowbay ayaa 2021 soo bandhigtay in waanwaan u socoto iyaga iyo Al Shabaab. Dooxa waxay leedahay waayo aragnimo badan oo ay Soomaaliya ugu yaboohi karto. Waxay dalka ka unkumtay machad lagu carbiyo diblomaasiyiinta, iyadoo ku lug lahayd xal u raadinta khilaafkii dhex yiil Muqdisho iyo Nairobi, inkastoo aan lagu guulaysan. 

Arrinka wanaajinta xiriirka Muqdisho iyo Dooxa wuxuu guud ahaan dabada ku wataa, xiriirka Dowladaha Iskaashiga Khaliijka oo badidoodaba Soomaaliya ka faa’iidaysan karto iyadoo laga digtoonaanayo waxyaabaha dhaawici kara iskaashi faa’iido wadaag ah.

Waxaa haboon in cilaaqaadka dalalkaas lagu sameeyo dibuhabayn la jaanqaada danahayaga iyo qiyamkayagaba si loo abuuro jawi iskaashi, halka dalku ku milmi lahaa “xifaaltankooda” siyaasadeed.

Dowladdii Farmaajo oo aan samayn daraasad cilmiyaysan oo saadaalin karay cawaaqibta ka dhalan karta xurgufta dhex tiillay Dowladaha Khaliijka ayaa dhe-dabbaalatay bad aysan ku sabbayn karin waxayna la kulantay colaad iyo ciqaab dib u dhigay soo kabashadii.

Dowladda Xasan Sheekh waxay haysataa fursad ay kusoo celin karto xiriirka taariikhiga ah ee Saldanada Cumaaan iyo Kuwait oo xasaasiyaddooda ka yar tahay midda Riyadh iyo Abu Dhabi. Madaxweyne Xasan Sheekh oo khibrad u leh xiriirka Soomaaliya iyo Qadar waxaa suuraggal u ah hab niyad wanaag ku jiro inuu dib ugu hagaajiyo xiriirka si uu u gaaro heer cusub.

Isha: Jamhuuriyadda