Howl-galo culus oo maanta laga billaabay GAALKACYO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa maanta aroortii hore bilaabay howl-galo balaaran oo lagu sugayo amaanka magaalada, isla markaana lagu baadi-goobayo maleeshiyaadka deegaankaasi ka geystay dilalka iyo qaraxyada.

Ciidamada ayaa baaritaano ku bilaabay xaafadaha magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhanka Galmudug, kuwaasi oo kasoo qab-qabtay boqolaal qof oo ay sheegen in baaritaano lagu sameyn doono.

Tallaabadan ayaa imaneysa xili ay shalay heshiis lagu xoojinayo amaanka wada gaareen madaxda Puntland iyo Galmudug, kadib markii uu dhawaan qarax ay ku dhinteen mas’uuliyiin, saraakiil iyo dadweyne badan uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada amaanka ayaa iyagu baaritaanada ku xoojinayo amaanka magaalada, iyada oo looga dan leeyahay in looga sifeeyo maleeshiyaadka khal-khalka amni ka wada gudaha magaaladaas, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal la hadlay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa Jimcihii hore ka dhacay qarax is-miidaamin ah goob uu booqanayey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen rooble, taasi oo xiligaasi ka socotay munaasibada soo dhaweyntiisu.

Qaraxaas ayaa waxa sheegtay kooxda Al-Shabaab, oo war rasmi ah ku sheegtay in qaraxa uu fuliyeey qof is-miidaamiyey oo ka tirsanaa ciidankooda, islamarkaana bartilmaameedka qaraxa uu ahaa ra’iisul wasaare Rooble.

Qaraxa oo xiligaasi ka dhacay garoonka Cabdullaahi Ciise ee ku yaalla dhinaca koonfureed ee magaalada, ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof, oo ay ku jiraan mas’uuliyiin sare.