Howlgal dagaal isku rogay oo ay ka qeybqaaten Ciidamo Mareykan ah oo ka dhacay Jamaame

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay howlgal ay fuliyeen ciidamo Mareykan ah.

Ciidamadan oo adeegsanaayay Diyaarado dagaal iyo ciidamada lugta ayaa howlgalkaasi Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose ka fuliyay habeenimadii xalay.

Ciidamadan ayaa waxaa sidoo kale wehlinaayay oo howlgalka kala qeybqaadanaayay ciidamo kale oo Soomaali ah kuwaa oo qeyb ka ah Kumaandooska la shaqeeya Mareykanka.

Diyaaradaha dagaalka oo ay wateen ciidamadan ayaa weerarka ka hor ka degtay duleedka Jamaame waxa ayna goobaha la weeraray ku galeen qaab afantari ah, waxaana jira warar sheegaya ka hor inta aysan galin magaalada uu dagaal ku qabsaday Koontaroolka Magaalada.

Dagaalkaasi oo socday muddo kooban ayaa la soo warinayaa inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay soo kala gaaray.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka waxaase la sheegayaa inuu jiro khasaaro xoogan.

Caasimada Online

Xafiiska Kismayo

Caasimada@live.com