Xog: Taabid oo dib uga laabtay qorsho uu isaga casili lahaa Xilka Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed uu dib uga laabtay qorsho uu isaga casili lahaa xilka uu hayo.

Guddoomiye Taabid ayaa go’aankiisa is casilaada dib uga laabtay saacadihii ugu danbeeyay xili uu sii wargaliyay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Go’aanka is casilaada Guddoomiye Taabid ayaa waxaa fashiliyay Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee  baarlamaanka Somalia iyo Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi.

Taabid ayaa la sheegay in Is casilaada ay ku dhalatay kadib markii uu cadaadis dhanka dhulalka iyo maamulka kala kulmay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre.

Sidoo kale, qorshaha is casilaada Taabid oo waayadan taagneyd ayaa xoogeysatay kadib markii Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dib dhigeen shirar lagu baadi-goobaayay maqaamka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Taabid ayaa lagu eedeynayaa inuu ku xadgudbay dhulalka danta guud, sida ay qabaan qaar kamid ah madaxda Qaranka.

Arintaan ayaa daba joogta go’aankii Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in saxiixiisa oo kaliya lagu bixin doono dhulka Danta Guud ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa shalay ka digay in hantida Qaranka sida dhulalka danta guud loo adeegsado hibo shaqsi kale ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com