Wadooyinka Muqdisho oo xiran & Banaanbax looga careysan Arinta Tbaabit oo laga cabsiqabo in uu …

Muqdisho-(Caasimadda Online)-ciimadama amaanka ayaa xiray qaarkamid ah wadooyinka muhiimka u ah magaalada muqdisho ayadoo laga cabsiqabo in ay dhacaan banaanbaxyo waxaan wadooyinka lagu arkayaa ciidamo farabadan.

wadooyinka ilaa hada xiran waxaa ka mid  ah wadada  Maka Al-Mukarama, qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha, halkaasoo ah goobo ay inta badan ay banaan baxyada ka soo bilowdaan

Ciidamo kala duwan oo ah kuwa ka hortaga rabshadaha ayaa goor dhow lagu arkay Fagaaraha Daljirka Dahsoon iyo qeybo ka mid ah waddooyinka Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in degmooyinka qaar uu ka socdo abaabulka banaan bax lagu dalbanayo xuquuqda gobolka banaadir iyo xaalada siyaasadeed ee ku soo korortay magaalada Muqdisho, kaddib markii Guddoomiye Taabid uu soo fuulay culeys.

Xalay ayay ahayd markii ay Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Muqdisho aya garab istaag umuujiyeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyagoo walaac ka muujiyay warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha oo ka hadleysay ilaalinta Hantida Qaranka, iyadoo Odayaasha ay sheegeen in hantida qaranka aanay aheyn mid ku kooban Muqdisho kaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com