Muxuu salka ku hayaa duulanka siyaasadeed ee laggu qaaday gudoomiyaha gobalka Banaadir Taabit Cabdi ?

Muqdisho (Caasimadda Online): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed oo uga imaanaya Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, tan iyo markii Guddoomiyuhu ku dhawaaqay shir looga tashanayo aayaha Gobolka Banaadir, si dadka ku nool Gobolka ay u helaan xuquuqdooda matalaad si la mid ah gobollada kale ee dalka.

Cadaadiskan oo qaab beeleed u abuubulan ayaa sii kordhay, kadib markii guddoomiyaha gobolka Banaadir ka qeyb galay shirarkii wadatashiga oo uu barbar fariistay madaxda maamul goboleedyada, taas oo loo fasirtay in gobolka Banaadir uu u soo jeestay xuquuqdiisa maamul, iyadoo la marayo nidaamka Federaalka ah ee Soomaaliya qaadatay sanadkii 2004.

Shirka muddeysan 28ka bishaan ee looga tashanayo arrimaha caasimadda ayaa xiisaddan bannaanka keenay, kaddib markii uu Duqa Muqdisho ku adkeystay qabsoomidda shirkaas oo xal u noqon kara maqaamka caasimadda.

Saameynta Taabid iyo dhibsashada Saaxiibadiisa Villa Soomaaliya ku dhow dhow:

Dhacdooyinkii ay dowladdu wajahday muddada ay jirtay ee hoos u dhigay sumcadda xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisu wasaaraha, Thaabit waxa uu noqday siyaasi aysan saameyn oo xallinteeda sumcad ku helay, maadaama uu u muuqday siyaasi aan dhex maquuran ceebahaasi, Kasbasahda dadka dowladda dhaliila ee uu kasbaday ayaan laga jecleysan Madaxtooyada.

Warbaahinta gudaha iyo dibadda ayuu si aad ah u soo jiitay, maadaama uu ka shaqeynayay arrimaha bulshada iyo samafalka, waxaana lagu tilmaamay in uu qaatay kaalintii uu Farmaajo qaatay markii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa, taasna ay keeni karto inuu xilal waaweyn ka qabto dowladda Soomaaliya.

Ku dhowaanshaha Madaxweynaha oo dhan ah iyo kasbasahda bulshada oo dhan kale ah ayaa dhalisay su’aala badan oo Madaxweynaha saaxiibadiis is weydiiyeen.

Maxaa keenay Cadaadiska Siyaasadeed ?

Cadaadiska siyaasadeed ee soo fuulay Guddoomiyaha ayaa ka soo bilowday wixii ka dambeeyay 17-kii bishii December ee sanadkii hore markii la weeraray Hoyga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo xarigii loo geystay xilligaasoo Guddoomiye Taabid muujiyay sida uu uga xun yahay falkaas, isla markaana ka qeyb qaatay dadaaladii ay wadeen Odayaasha dhaqanka iyo Madaxda dowlad goboleedyada ee lagu sii daayay.

Sidoo kale waxaa Guddoomiyaha muujiyay door iyo firfircooni ku aadan beelaha Muqdisho, taas oo culeys ku noqotay Madaxda qaar ee dowladda, iyagoo u arkayay in tani ay tahay mid saameyn ku ah ku negaanshahooda xafiiska.

Dhacdadii weerarkii Guriga Senator Cabdi Qeybdiid

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa mar kale muujiyay sida uu ugu xun yahay falkii Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ku weerareen Hoyga Senator Cabdi Qeybdiid, waxaana uu ahaa Mas’uulkii u horeeyay ee taga Guriga Senator-ka, isla markaana ku dhawaaqay in falkaas lagu galay Guriga Senator-ka Xasaanadda leh mid aan la aqbali karin.

Maamulka Amniga Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa ka sokow culeysyada siyaasadeed ee uu wajahayay waxaa qeyb ka ahaa dhanka Amniga Muqdisho oo uu juhdi badan gelinayay, sidii magaalada Muqdisho u yeelan laheyd maamul amni oo ka bilowda min xaafad illaa degmo, si amniga magaalada ay u yeelato cid lagala xisaabtamo, isla markaana mas’uuliyadda amni lagu wareejiyo Maamulka.

Maxaa isku soo beegay Shirka Muqdisho iyo wareegtadii Madaxweynaha ee Ilaalinta Hantida Danta Guud.

Wareegtadii shalay ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in aan dhulka danta guud la hibeyn karin, la bixi karin, isla markaana wixii la bixiyay kaddib 8 February ay aheyd mid sharci darro ah.

Inkastoo wareegtadaas aanay si toos ah ugu socon xafiis la magac dhabay, hadana waxaa loo fasiranayay mid ku socota Gobolka Banaadir oo ay u muuqatay mid sumcad ka dilid lala damacsan yahay Maamulka Gobolka Banaadir iyo in buuq lagu furo shirka dhici doona 28-ka bishan.

Wareegtada Xafiiska Madaxweynaha waxay kaliya ay ka hadleysay Muqdisho, balse aanay Gobolada kale ee dalka ku socon, taasoo loo arkay culeys la saaray kaliya Muqdisho, halka gobolada kalena aan lagu soo hadal qaadin.

Dad badan ayaa aaminsan wareegtada xafiiska Madaxweynaha ee soo baxday xilli uu safar ugu maqnaa Gobolada dalka iyo xaalado siyaasadeed ee ka socday Muqdisho ay aheyd kuwo la isku soo aadiyay, isla markaana koox ku dhow dhow Madaxweynaha ay ku lug lahaayeen arrintan, si ay ugu yaraan u muujiyaan cadaadiska siyaasadeed ee saaran Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com