Maamulka Khaatumo Oo Baaq u Diray dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Hay’adaha Samofalka Ah Si ay kaalmo ulagaaraan Dadkii..

Tukaraq-(Caasimadda Online-)Maamulka Khaatumo State ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha samofalka ah in kaalmo degdeg ah lasoo gaaraan dadkii dhowaan ka baracay dagaalladii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Wasiirka arrimaha dibadda Khaatumo, Caynaanshe C/raxmaan oo la hadlay idaacadda goobjoog ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin xiisadda ka taagan deegaanka tukaraq.

dhawaan ayay ahay markii ay ku dagaalameen deegaanka tukaraq maamul labada maamul goboleed ee Puntland iyo Somaliland. waxaana halkaas kubarakacay Shacab aad u badan.

Caynaanshe ayaa tilmaamay in dadkii ka barakacay ay xaalad adag ku sugan yihiin, loona baahan yahay in lalasoogaaro gurmad degdeg ah.

“Annaga wixii wixii karankeena ah ee aan ka geysan karnay waan ka geysannay, waxaan sugaynaa dowladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyada dalka iyo hay’adaha kheyriga ah waxaan ku ugu baaqaynaa in dadkaan ay  u gurmadaan, sidoo kale cid walbo oo Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa in shacabkaasi la taageero” ayuu yiri wasiir Caynaanshe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com