Xildhibaan Mahad Salaad oo si aan la fileyn uga hadlay khilaafka Taabit iyo Villa Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online ): Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ma ka shaqeeyaan in dalkaan xasillooni siyaasadeed ka dhacdo, mise xasilloonida waa inaan kuraastooda laga hadlin?.

Taabid Cabdi waa nin dhalinyaro, kuna soo biiray Siyaasada Soomaaliya xiligii Madaxweyne Hassan Sheikh, isaga oo noqday Agaasime ku xigeenkii Madaxtooyada. Thaabid xilligii uu joogay Villa Soomaaliya waxaan ku aqaanay nin howlkar ah, shaqadiisana ku firfircoon, jecelna in uu bulshada ka dhex muuqdo. Sifooyinka kale ee aan Taabid ku aqaanay waxaa kamid ahaa in uu ahaa nin qab leh oo mar waliba jecel in uu amarkiisu socdo, kana aarguto qofka ay mar isqabtaan, taas oo marar badan sababi jirtay inay isku dhacaan sxbada ku dhawdhaw Madaxweyne Hassan Sheikh, lkn mar waliba waxaa lagu wada socon jiray dusha oday Hassan oo dhanka kale Taabid sodogiis ahaa.

Isku dhacyadii Taabid iyo saaxiibada Madaxweyne Hassan waxay kaliftay in Taabid laga badalo Madaxtooyada Soomaaliya loona badalo safaarada Soomaaliya ee Marykanka. Lkn sidii caadada u ahayd ma hilmaamin dakanadii uu u qaaday oday Hassan Sheikh iyo saaxiibadiis ee halkaas ayuu uga soo biiray ololihii xukunka looga tuurayay Madaxweyne Hassan Sheikh. Wuxuuna laf dhabar u ahaa kooxdii dhistay Madaxweyne Farmaajo.

Magaca Taabid waxa uu aad usoo baxay markii lagu jiray ololihii xulashada Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo sida uu ii sheegay Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Kheyre uu ahaa Taabid ninka kaliya ee abaalka ku leh in uu noqdo Ra’iisul Wasaare. Sidaas daraadeed uu u balan qaaday in uu ugu abaal gudo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mogadishu.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Taabid iyo saaxiibadiis?

Sidii aad ka dheehan karteen mudooyinkii hore xafladihii uu qaban jiray Gudoomiye Taabid mar waliba waxaa kasoo dhex muuqan jiray Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Kheyre, xafladahaas oo mararka qaar xitaa aan musaasib ku ahayn maqaamka iyo hab maamuuskiisa Ra’iisul Wasaarenimo. Lkn ujeedada ay ka lahaayeen Gudoomiye Taabid iyo saaxiibadiis waxay ahayd: In si adag gacanta loogu qabto Ra’iisul Wasaare Kheyre, loona tuso dadka inuu yahay shaqsi la keensaday oo waxaba aan ka dhex goynin nidaamka dowladeed ee uu madaxda u yahay, markii loo baahdana la adeegsan karo magaciisa iyo mansabkiisa. Waana mida sababtay in ay lunto inta badan kalsoonidii reer Mogadishu ku qabeen Ra’iisul Wasaare Kheyre, uguna muuqatay in uu yahay magac u yaal.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo isagu aan kamid ahayn saaxiibadii dhistay Madaxweyne Farmaajo, mudadii uu joogay waxa uu ku dadaalay labo arimood:

1. In uu dabacsanaan iyo soo jiidasho badan u muujiyo Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis maadaaba uu ahaa qof ku cusub kooxda Farmaajo. Kalsooni dhisidaas oo gaartay in Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha laga maamulo midka Madaxweynaha hal agaasime na wada xukumo.

2. Wuxuuna sidoo kale ka fogaaday mararka qaarna dagaal toos ah ku qaaday cid kasta oo lagu tuhmayo in aysan la dhacsanayn siyaasada Villa Soomaaliya. Ama xitaa xurguf yari kala dhaxeysay saaxiibada Madaxweyne Farmaajo xiliyadii doorashada kahor.

Taabid oo markii hore ee la magacaabayay Kheyre aan gaarin 40 sano jir oo ah da’da uu ku shardinayo dastuurka KMG ah qof kasta oo qabanaya xilka Ra’iisul Wasaarenimo, door weyna ku lahaa in Kheyre Ra’iisul Wasaare noqdo ayaa bilaabay bilihii ugu danbeeyay inuu kasbado beelihii iyo siyaasiintii uu dhumiyay saaxiibkiis Kheyre. Sidoo kale Taabid waxa uu isku arkay inuu yahay shaqsiga ku haboon oo hagaajin kara isfaham la’aanta iyo xiriirka la “xumeeyay” ee Siyaasiinta reer Mogadishu iyo Madaxweyne Farmaajo. Lkn sadex arimood oo is biirsaday ayaa sabab u noqotay in uu hada la kulmo cadaadiska heysta:

1. Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kalsooni fiican ka dhex sameystay Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis kuna qanciyay in saameynta siyaasadeed iyo mida deegaaneed gaar ahaan Gobolka Banaadir ee Taabid lasoo baxay in ay halis ku tahay mustaqbalka Siyaasadeed ee Madaxweynaha iyo doorka awoodeed ee dowlada Federaalka ay ku leedahay Gobolka Banaadir.

2. Kheyre oo xili hore fahmay damaca Gudoomiye Taabid kana tabaabushaystay, go’aansadayna inuu daadka raaciyo inta aysan isaga biyuhu soo gaarin.

3. Gudoomiye Taabid oo lasoo degdegay damaciisa siyaasadeed iyo midka dagaalka Kheyre isaga oo aan hubsan mowqifka saaxiibadiis ka qabaan in xiligaan dagaal lagu qaado Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Haddaba, muddadii 11ka bilood ahayd ee Madaxweyne Farmaajo joogay waxaa la badalay: 3 Agaasime guud ee Madaxtooyada, 3 la taliyeyaal Amniga Qaranka, 7 Taliye Ciidan, 7 Wasiir oo ka mid ah 26 ka Wasiir ee xukuumadda Kheyre. Maantana waxay maraysaa in la beddelo Guddoomiyaha Gobolka, taas oo macnaheedu yahay in la beddeli doono ku xigeennadiisa iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka (maadaama uu Taabid keensaday).

Su’aashu waxay tahay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ma ka shaqeeyaan in dalkaan xasillooni siyaasadeed ka dhacdo, mise xasilloonida waa inaan kuraastooda laga hadlin. Haddiise ay ku guulaysan waayeen inay xalliyaan khilaafka ka imaan karo maamulayaasha xafiisyadooda, la taliyeyaashooda, taliyeyaasha ciidamada, xubnaha Golaha Wasiirada, hadana ay marayso in saxiibkii ugu dhawaa Farmaajo marka laga reebo Fahad, in la cunayo, soo inaan isweydiinno ma aha kartida hoggaamineed ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay dalka sii hogaamin karaan?!

Mahadsanidiin.

Hon. Mahad Salad