Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeysay gaaray Deegaanka Balanbal kadib Madaxweyne Siyaad Barre.

Balanbal-(Caasimadda Online)-Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goordhaw gaaray Deegaanka Balanbale ee Gobolka Galgaduud waxaana Deegaankaas ka soconaya soo dhaweynta Madaxweynaha iyo Wafdiga uu hogaaminaayo.

farmaajo ayaa la kulmi doono Mas`uuliyiinta iyo waxgaradka Balanbal, booqashadaan ayaa noqoneysa midii ugu horeysay ee uu Maadxweyne Soomaaliyeed ku tago Deegaanka Balanbal  kadib Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha unaxariistee Maxamed Siyaad Barre waxaa Deegaankaas maanta gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

booqashaada Balanbale ee Madaxweynaha ka dib waxa uu usii gudbi doonaa Deegaanka Xeraale iyo Degmada Caabudwaaq iyo Deegaano kale oo ka tirsan Deegaanada Maamulka Galmudug uu ka arimiyo halkaas oo lagu soo gaba gabeen doono socdaalka Nabada ee Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku marayo qeybo ka mid ah Gobolda Dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com