Boqor C/llaahi Geedi Shadoor “Kayeeli Mayno Thaabid keligiis ayaa baxaya, way wada baxayaan ama way wada joogayaan”.

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Kulankii Xalay ee Duubabka iyo Waxgaradka gobolka Banaadir ee kaga jawaabayeen warqadii ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa kasoo yeeray odayaasha hadallo kulol oo ay ujeedinayeen madaxda sare ee dalka.

Ugaas Cabdulaahi Geedi Shadoo  oo hadalkooban ka jiidiyay ayaa yiri “Waxaan idiin sheegeynaa ragga madaxdda ah sidda madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, iyo Taabit waa isla yimaadeen ha isla joogaan, hadii ay suuroobi weyso halkaan dhalahaa la diraa cidaannu yeeli meyso ayuu yiri Ugaas Cabdulaahi Geedi Shadoor.

Sidoo kale odayaashu waxey sheegeen in la sameyn doono gudiyo u badan duubabka dhaqanka ee dhamaan beelaha daga gobalka Banaadir kuwaas oo ka xaajoonaya sidii ay Muqdisho ku heli laheyd maqaam iyo mataalad gaar ah.

Xalay waxey aheyd habeen Muqdisho oo dhan ay dhagtu u taagneyd , waxaa la hadal hayay inuu is casili doonno gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi kadib markii ay isagga iyo Villa Somalia isaga hor yimadeen shir looga hadlaayo maqaamka caasimadda oo uu Taabit ku dhaawaqay.

Taabit Cabdi ayaa kudhawaaday in uu iska casilo xilka maamulka gobolka iyo duqa muqdisho asagoo usababaynaya in ay jiraan siyaasiyiin ka hawlgala madaxtooyada kuwaas oo  kashaqaynaya iska horkeenka isaga iyo madaxda ugusaraysa dalka .

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com