DEG DEG : Ra’iisul wasaare Kheyre iyo wasiirka Arimaha Gudaha oo hadda ka xaajoonaaya xil ka qaadista Taabit

Muqdisho (Caasimadda Online): Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya iney hadda shir gaar ah ku jiraan wasiirka arimaha gudaha Eng Sabriye iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre kuwaas oo ka wada hadlaya qaabkii loo dhigi lahaa xil ka qaadis lagu sameeyo gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaruhu uu ku amray wasiirka arimaha gudaha inuu soo jeediyo xil ka qaadis laggu sameeyo Taabit Cabdi habeenkii xalay ahaa, laakiin waxaa la sheegay in wasiirka arimaha gudaha uu ka cudur daartay inuu soo jeediyo xil ka qaadista laggu sameeyo Duqa Muqdisho.

Eng Sabriye wuxuu ku doodaya inuusan heynin wax uu daliil uga dhigo soo jeedinta xil ka qaadista madaama uusan wali xafiiskiisa fariisan tan iyo markii la magacabay, Ra’iisul wasaaruhu wuxuu mar kale saacan oo xiliga qadada ah u yeeray Eng Sabriye si aannu u dheeraan buuqa soo if baxaya ee ka dhalan kara xil ka qaadista Taabit.

Lama garanaayo waxa uu arinku ku dhamaan doono, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya inuu Sabriye iska ilaalinaayo inuu lugaha la galo dagaal siyaasadeed oo isaga ka horeeyay, si walbaba dagaalka Villa Somalia ay ku dooneyso iney ku baajiso shirka looga hadlaayo ayaaha caasimadda ayaa sii xoogeystay saacadihii lasoo dhaafay.

Dadka qaar waxey is weydiinayaan nuuca ay noqon doonta falcelin ka dhalan karta qorshaha ay saaxibadda madaxweyne Farmaajo isku hor taagayaan shirka 28ka bishaan ee uu ku baaqay maamulka gobalka Banaadir.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com