Maxaa la gudboon Wasiirka Arrimaha Gudaha xili uu xoogeystay khilaafka Taabit iyo Villa Somalia ?

Muqdisho (Caasimadda Online): Shalay ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha ee ku sugnaa Magaalada Guriceel loo yeeray in uu safarkiisa soo gaabiyo. Ra’iisul wasaare Kheyre oo uu codsiga yeeritaanku ka yimid ayaa durbadii shir deg deg ah oo ay albaabadu u xiran yihiin la galay Wasiir Cabdi Maxamad Sabriye.

Kheyre wuxuu ka codsaday Wasiirka in uu soo qoro qoraal soo jeedin ah oo xilka looga qaadayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed. Warqada soo jeedinta ayuu Ra’iisul wasaaruhu dalbaday in lagu xuso eedaymo musuq maasuq ah isagoo cuskanaya qoraalka isla shalay ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Maxaa la gudboon Wasiirka ?

Cabdi Maxamad Sabriye oo ah nin ganacsade ah oo aan siyaasada horay ugu jirin ayaa xilka loo magacabay wuxuu ahaa mid loogu yeeray ee uusan isagu soo raadsan. Sababta ugu wayn ee loogu yeerayna waxay ahayd in uu dawlada ka xigsado kana xaliyo xiisada siyaasadeed ee ka dhexeeysa xukuumada iyo Beesha uu Sabriye ka soo jeedo. Haba ugu horayso labadii dhacdo oo lagu weeraray hoyga Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo tii loogu dhacay guriga Senator Cabdi Qaybdiid.

Wasiir Sabriye weli xaafiiska si fiican uma fariisan, farna uma qaadin xalinta xasaradihii loo keenay. Waxaase laga dalbanayaa in uu lugta la galo xasarad kale oo ka dhex aloosan rag iyagu shalay isku meel ka soo wada jeeday oo kawada tirsanaa kooxda Nabad iyo Nolol.

Waxay mushkiladan taabanaysaa dadka degan Muqdisho oo uu Wasiir Sabriye ku matalo awood qaybsiga 4.5.

Sida muuqata Wasiir Sabriye waxaa loo keenay xalinta mashaakil taagan, ee looma keenin abuurista kuwo hor leh. In baahi siyaasadeed oo taagan loo keenay, in uusan ahayn shakhsi siyaasada isagu soo doontay, kana maarmi kara shidadeeda waxay siinayaan wax afka qalaad lagu yiraahdo (leverage), saamayn togan oo uu xal ku keeni karo, taasoo uu madaxdiisa runtaa ugu sheegi karo isagoon toos uga hor imaanin.

Waa tabtii uu Nuur Cade kula dhaqmay Madaxweyne C/laahi Yusuf. Nuur Cade wuxuu xooga saaray in uu Mushkilada taagnayd xaliyo, isagoo aan si toos ah Madaxweynaha u mucaaradin, waana arrinka uu Taabit Cabdi Gudoomiyaha Gobolka isku deyey in uu ku maareeyo falceliskii ka dhashay weerarka hoyga siyaasi C/raxmaan C/shakuur iyo u dhicidii Guriga Senator Cabdi Qaybdiid.

Wasiirku waa in uu helaa fursad uu ku xalin karo mushkiladaha xukuumada haysta, loona arko in uu yahay ilaa xad ruux madaxbanaani iyo sumcad leh oo aan hiyi raac ahayn.

Caasimadda Oline
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com