Dhageyso:-Madaxweynaha Soomaaliland oo ka hadlay xiisada Tukaraq kuna hanjabay dagaal

Hargeysa-(Caasimadda Online)-Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta markii ugu horeysay tan iyo markii la doortay waxa uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sicir-bararka, Saxaafadda, Arrimaha ka taagan gobollada Bariga Soomaaliland, xaaladda guud ee guud ee dalka.

Shir Jaraa’id uu Warabhinta ugu qabtay Hargeysa ayaa waxa uu diirada ugu saaray xaalada amni ee deegaanada Soomaaliland iyo waxayabaha iska bedelay mudada bilka iyo xoogaa ah ee ka soo wareegtay markii la doortay.

Waxa uu hadalkiisa intaas sii raaciyay in Soomaaliya iyo Soomaaliland ay iminka dhibaato ka dhex taagan tahay balse aysan iyagu hadii ay yihiin Soomaaliland aysan ku laheyn wax eed ah. Laakin Soomaaliland lagu soo duulay.

“Caalamka waxaan u shegeynaa in aanan Soomaaliya ku xadgudbin mana jirto colaad aan abuureyno balse anaga ayaa dagaal nagula hayaa lakin aniga dalkeena ayaan joognaa cidna duulaan kuma nihin Dastuurka Soomaaliland waxa uu qorayaa in an xaduudaheena ilaalino balse garanmeyno abaabulka Soomaaliya ka socda ee Xaduudaheena ay Ciidamo u soo dhoobeyn.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Madaxweyne Muuse Biixi.