Wadahadalladii Dowladda dhexe iyo Maamulka Somaliland oo dib u billaabanaya iyo meel aan Turkiga ahayn oo lagu qabanayo .

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Bartamihii todobaadkii la soo dhaafay waxaa Qadka Tilefoonka ku wadahadlay Madaxweynaha Maamulka Somaliland iyo Madaxeynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka,gaar ahaan muranka Somaliland iyo Puntland ee Gobolka Sool,sidii dib loogu billaabi lahaa wadahadallada dowladda dhexe iyo maamulka Somaliland.

Intii wada sheekeysigaasi socday waxaa ay Madaxdu isla soo qaadeen in wadahadallada labada dhinac dib u billaabaan,waxaana soo baxaya warar sheegaya in markan meel aan Turkiga ahayn lagu qabanayo.

Wadahadalka Taleefanka ee Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa waxaa ka shaqeysay Hay’adda CENTER FOR HUMANITARIAN DIALOGUE.

 Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Muuse Biixi ka dalbaday in laga shaqeeyo xasilloonida Gobolka Sool,iyada oo Muuse Biixi ku dooday in dagaalka Tukaraq uu ka yimid dhinaca dowladda Federaalka ah islamarkaana wasiir ka tirsan Federaalka booqday degaannada Somaliland.

Labada dhinac ayaa isla gartay in dib loo billaaabo wadahadallada Siyaasadeed iyada oo aan ilaa hadda la caddeyn taariikhda ay dib u furmayaan iyo cidda marti gelineysa maaddaama Somaliland diidday in Turkiga marti geliyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com