Maamulka gobalka Banaadir oo beeniyay inuu jiro dhul danguud ah oo la bixiyay tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimadda Online): Maamulka gobalka Banaadir ayaa si buuxda u beeniyay inuu jiro dhul la bixiyay tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo.

Maammulka gobalka Banaadir ayaa soo saaray warsaxafadeed uu ku beeninaayo inuu jiro dhul la bixiyay tan iyo markii la doortay madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo 8dii Febraayo 2017, sidoo kale shir jaraaid oo saxaafaddu ay ka qeyb gashay ayaa wehliyay bayaankan.

Gobalka Banaadir ayaa ka jawaabayay warqad siyaasadeysan oo shalay kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somalia oo laggu sheegay inuu jiro dhul danguud ah oo la bixiyay inkastoo dad badan ay u arkeen warqadaas mid la rabbo in lagu baajiyo shirka looga hadlaayo maqaamka caasimadda oo 28ka bishan la iclaamiyay.

Lifaaqa ka aqriso bayaanka

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com