Howlgal lagu soo qabtay qaar ka tirsan macawiisleyda oo laga sameeyey Jowhar

Jowhar (Caasimadda Online) – Booliiska Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa howlgal saacado badan qaatay ka sameeyay Xaafadda Hanti-wadaag Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe dhanka kalena ah Caasimadda Dowlad-Goboleedkaas.

Sida la xaqiijiyey howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ku socday waxay ciidamada Booliska si gaar ah kaga sameeyeen deegaanada ku xeeran goobihii Maalmo ka hor dagaalka uu ka dhacay, Waxaana lagu soo qabtay rag la tuhmayo in ay ka tirsan yihiin maleeshiyadii macawisleyda oo magaalada ku dhuumaaleysanayay.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka howlgalkooda ay ku baareen qaar kamid ah Guryaha qaar, halka ay goob isugu geeyeen Dad ay ku tuhmayaan in ay ka qaybgaleen dagaal Arbacadii dhexmaray Hay’adaha amniga & Koox macawuusley ah.

Saraakiisha holwlgalka hoggaamineysa ayaa ciidamada ammaanka fartay in ay gacan adag kusoo dhigaan shaqsiyaadka hubka sharci darrada ah ku dhex heysta Magaalada Jowhar si markale uusan u dhicin iska hor imaad sababa khasaare kala duwan.

Magaalada Jowhar ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dagaal khasaare geystay oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Hirshabeelle iyo Maleeshiyaad degaanka ah oo kasoo horjeedda maamulka  qof ay xireen, waxaana dagaalka ku dhintay qaars ka tirsan ilaalada madaxweyne Cali Guudlaawe iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada.