Howlgal maanta ka dhacay Shabeellaha Dhexe oo lagu qabtay qaraxyo + Khasaaraha

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay howlgallo ka fuliyeen gobolkaasi, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka koowaad oo ay fuliyeen ciidamada Duufaan ee NISA ayaa ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Basra iyo Sabyo, waxaana lagu beegsaday xubno Shabaab ah.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkaasi ay ku dishay xubin ka tirsan Al-Shabaab, laba kalena nolosha lagu qabtay, kuwaas oo waday hub iyo qaraxyo.

Sidoo kale warka ayaa intaasi ku daraya in xogta raggan ay soo gudbiyeen dadka deegaanka, kadibna ay sidaas ku howlgaleen ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya.

“Xubnahaan Khawaarijta ah oo si dhuumaysi ah ku socday ayaa ciidanka Ammaanka waxaa ku soo war geliyay shacabka deegaanka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale wararka laga helayo deegaanka Dhabaq-libeey oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ayaa sheegaya in halkaas ay howlgal culus ka sameeyeen ciidamada Xoogga dalka iyo oo kaashanaya kuwa deegaanka.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgalkaas lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku uruursanayey halkaasi.

Odowaa ayaa xaqiijiyey in goobtaasi lagu dilay ugu yaraan illaa 14 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidanka dowladda & kuwa deegaanka.