PUNTLAND oo qabatay nin dil ka gaystay Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland oo howlgallo ka sameeyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa gacanta ku soo dhigay nin dhowaan dil ka geystay magaaladaas oo xarun ganacsi u ah Puntland.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Faarax Jibriil Xuseen ayaa loo haystaa dilka Marxuum Maxamed Cabdirashiid Cabdiraxmaan oo ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso.

War qoraal ah oo ka soo baxay Booliska Puntland ee gobolka Bari ayaa waxaa lagu xaqiijiyay soo qabashada eedeysane Faarax Jibriil Xuseen oo maalmahaan lagu daba jiray.

Booliska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ninkan sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeeni doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Ugu dambeysan taliska Booliska ee gobolka Bari ayaa u digay shaqsiyaadka dilalka iyo falalka ammaan darri ka geysta magaalada Boosaaso iyo guud ahaan gobolkaasi.

Puntland ayaa maalmihii dambe kordhisay howlgallada lagula dagaalamayo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha iyo shaqsiyaadka hubeysan ee dilalka ka geysta maamulkaas.

Inta badan deegaanada Puntland waxaa ka dhaca dilal iyo isku dhacyo u dhexeeyo ciidamada ammaanka iyo kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.