Howlgalo saakay ka socda Baladweyne (MAXAA SABAB U AH?)

Baladweyne (Caasimada Online) Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiran, waxaa xaley ka dhacay qarax nooca miinada kaasoo lagu weeraray goob makhaaxi ah.

Inta la ogyahay labo qof ayaa ku geeriyooday in ka badan afar kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxaas sida ay sheegayaan dadka goobjoogayaasha.

Balse, taliyaha ciidamada booliska ee Baladweyne Korneel Isxaaq Cali Cabdulle oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay hal qof afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha ayaa sheegay in dhammaan dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintay ay ahaayeen kuwa rayid ah, wuxuuna intaas ku daray markii qaraxa uu dhacay in ay soo gaareen goobta ciidamada ammaanka, kuwaasoo howlgallo billaabay.

Qaraxa oo ka dhacay xaafadda Howlwadaag, waxaa la sheegayaa in laga maqlay afarta xaafadood ee ku yaala magaalada Baladweyne.

In kastoo goobaha ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha uu caadi yahay, haddana waxaa la sheegayaa in maagalada ay ka socdaan saakay howlgalo kuwaasoo lagu soo qabqabtay dhowr qof kuwaasoo u badan dhallinyaro.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho