Hub ka dhigista Muqdisho oo dib loo billaabay iyo xildhibaano la beegsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia dib uga bilowday Howlgalada Hub ka dhigista oo dhawaanahaani ahaa kuwo hakat ku jiray.

Howlgalada xooligooda ayaa ka socda guud ahaan magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada Makka al-Mukarama, Wadnaha, Gaashandhiga iyo qeybo kamid ah Xaafadaha Degmooyinka.

Waddooyinka magaalada ayaa waxaa buux dhaafiyay ciidamo farabadan oo ka tirsan Hay’adda NISA kuwaa oo hal hal u baaraya gaadiidka Hubeysan iyo kuwa aan Hubeysneyn.

Gaadiidka ay la socdaan Askarta aan wadan aqoonsiga ayaa waxaa laga reebayaa Hubka ay wataan waxaana suuragal ah in halkaa uu ka dhaco iska hor imaad.

Sidoo kale, baaritaanada ayaa saameyn ku yeesha Gaadiidka shacabka oo la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleysan karaan maleeshiyaad baxsad ah, waxaana gabi ahaan laga dajiyaa alaabaha iyo dadka saaran.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ayuu sidoo kale saameyn xoogan ku yeeshay baaritaanka socda, waxaana Hubka looga qaaday tirro Xildhibaano ah oo iyagu watay Askar iyo Hub aan u diiwaan gashneyn.

Qaarkood ayaa durba dacwad ka gudbiyay Wasiirka Gaashandhiga oo isagu leh amarka lagu sameynaayo Hub ka dhigista iminka mar kale ka bilaabatay magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed ABuukar Isloow Ducaale ayaa November 30 2017 digniin uu soo saaray ku sheegay inaan magaalada Muqdisho lagu dhex arki Karin mas’uul wata wixii kabadan Afar Askari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com