Fiqi oo weeraray Kheyre: “Somalia waxey noqotay macmal (lab) wax kasta lagu tijaabiyo”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa weerar ku qaaday xaflad habeen hore uu Muqdisho ku qabsaday ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, oo golaha wasiirada ay kusoo bandhigeen wax qabadkooda.

Fiqi oo qoraal soo dhigay barta facebook ayaa si gaar ah u dhaliilay hal ku dhigga xafladdaas oo ahaa “Soomaalida cusub”.

“Somalia waxey noqotay macmal (lab) wax kasta lagu tijaabiyo, sanadkaan waxaa soo kordhay Soomaalida cusub! ma muwaadin dal kale ha loo dhoofiyaa, mise barlamaanka iyo madaxdii hore aflagaadee baa? Mase waa hool xaafad ku yaalla waxqabad ku soo bandhig, oo barlamaanka ka carar baa?!” ayuu Fiqi ku yiri qoraalkiisa.

Intii ay socotay xafladaas ayaa ra’iisul wasaare Kheyre iyo xubnihii ka hadlay waxay si gaar ah u dhaliileen siyaasiyiinta mucaaradka ku ah xukuumadda Kheyre, ayada oo Sheekh Nuur Baaruud oo xafladdaas ka hadlay uu soo jeediyey in xubnahaas “cunaha la qabto.”

Axmed Macallin Fiqi ayaa ka mid ah xildhibaaada mucaaradka ku ah xukuumadda, waxaaaa la rumeysan yahay inuu ku lug leeyahay qorshaha mooshin diyaarintiisa laga wado Muqdisho oo ka dhan ah madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com