Qarax gaari oo ka dhex dhacay gudaha xarunta Villa Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax gaari ayaa lasoo warinayaa inuu ka dhacay Xarunta Vila Baydhabo ee Magaalada Muqdisho oo fariisin u ah Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhex dhacay gudaha Xarunta waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Goobjooge ayaa sheegay in Qaraxa uu ka dhashay Gaari uu watay Sargaal ka tirsan Ciidamada Milatariga, waxa uuna Qarxay ka dib markii Sargaalkii watay uu ka dagay.

Gaariga ayaa waxaa soo gaaray burbur xoogan oo ka dhashay Qaraxa, waxaana iminka socda baaritaan lagu xaqiijinaayo halka looga soo xiray Qaraxa.

Gaadiidka raaxada ay isticmaalan Saraakiisha Ciidamada ayaan intooda badan la baarin waana mida sababtay qaraxan oo gaari ku dhagan inuu dhexgalo Xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Qaraxan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maanta Magaalada Muqdisho ammaankeeda si wayn loo adkeeyay, wadooyinka Magaaladana ciidamo badan la soo dhigay oo intooda badan la xiray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com