Hub laga bixiyey keydka hay’adda sirdoonka ee NISA

Muqdisho (Caasimada Online) –  Warar lagu kalsoon yahya oo aan helnay ayaa sheegaya in shalay hub laga bixiyey keydka hubka hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka ee NISA, maalin kadib doorashadii madaxweyne Xasan.

Hubkan ayaa la sheegayaa inay bixiyeen taliyaha NISA xidlhibaan Yaasiin Farey, xildhibana Cabdullaahi Kulane Jiis oo ka mid ah saraakiisha sare ee NISA iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere.

Ma cadda ujeedka hubkan loo bixiyey balse waxaa suurta-gal ah in looga faa’iideysanayo xaaladda kala guurka ee uu dalka galay.

Hay’adda NISA ayaa mudadii uu xilka hayey Farmaajo lagu eedeeyey inay noqotay hay’ad ku lug leh arrimo siyaasadeed, oo aan xoogga saarin shaqadii loo diray ee sugidda amniga qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu isbeddel ku sameeyo hoggaanka hay’adda marka uu xukunka la wareego toddobaadka soo socda, ee uu Villa Somalia baneeyo madaxweyne Farmaajo.

Dadka amniga darsa ayaa sheegaya inay noqon doonto shaqo adag in hay’adda dib u habeyn lagu sameeyo, oo laga dhigo hay’ad ku shaqo leh amniga oo siyaasad ka madax banaan.