Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo dhambaal muhiim ah gaarsiiyay Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Edward Andre Jr. ayaa shalay booqasho ugu tegay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxaana uu gaarsiiyay dhambaal hambalyo ah oo uu ka siday wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka.

Larry Edward Andre Jr. ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo u rajeeyay in xilka cusub ee loo igmaday guud ahaan Soomaaliya ugu adeego si hufan.

Safiirka ayaa sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh soo gaarsiiyay fariin hambalyo ah oo ka timid wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka, iyadoo fariintaasi lagu adkeeyay xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan ayaa la kulmay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Muqdisho, Mehmet Yilmaz, isagoona ugu hambalyeeyay guusha Xasan Sheekh.

Mehmet Yilmaz ayaa sidoo kale, dhambaal hambalyo ah oo uu ka siday dowladdiisa u gudbiyay Xasan Sheekh Maxamuud, isagoona tilmaamay in dowladda Turkiga ay garab taagan tahay.

Kullamada iyo hambalyada ka imaanaya dalalka saaxiibka la ah Somalia ayaa isa soo kordhaya ee loogu hambalyeynaayo madaxweynaha cusub oo xalay doorashadii dhacday cod aqlabiyad leh kaga guuleystay madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.