Hungary iyo Midowga Yurub oo ay ka dhex tafatay

Budapest (Caasimada Online) – Hungary ayaa iska fogaysay eedo uga yimi sharciga cusub ee ay ugu magacdareen sharciga ilaalinta madaxbanaanida.

Tallaabada Hungary ayaa imaaneysa kadib markii ay Midowga Yurub sheegeen inay qaadayaan tallaabo ka dhan ah sharcigan, oo ay u arkaan inuu yahay mid ku xad-gudbaya xuquuqda aasaasiga ah ee nidaamka dimoqraadiyadda.

Hungary ayaa bishii December ee sannadkii hore meel-marisay sharciga qaran ee ilaalinta madax-banaanida.

Sharcigaan ayaa waxa uu aas-aasaya waax gaar ah oo baadhis ku samaynaysa cid kasta oo loo tuhmo inay dhaqaale ka helaan cid ajnebi ah, islamarkaana saamayn ku yeesha doodaha dadweynaha.

Sharcigan ayaa mamnuucaya in dhaqaalaha laga helo debedda in loo isticmaalo arrimaha doorashooyinka, ciddii jebisana, lagu xukumi doono illaa saddex sannadood oo xabsi ah.

Dadka sharcigan diiddan, ayaa ku eedaynaya inuu yahay sharci furan oo saamayn ku yeelanaya dad aad u ballaadhan, isla markaana uu taabanayo nolosha dadweynaha.