HURUUSE oo fasiraad yaab leh ka bixiyay xiriirka cusub ee dalka cadowga ah ee Cuba

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) ayaa faahfaahin ka bixiyay xiriirka ay haatan dowladda federaalka la yeelatay Cuba oo horay u horseeday guul-darradii dagaalkii 77 ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Cuba ayaa markii ugu horeysay safiir u soo dirsatay Soomaaliya, tan iyo markii ay labada dal xiriirka isku jareen sanadkii 1977-kii, xiligaas oo Soomaaliya ay dagaal culus la gashay Itoobiya, islamarkaana Cuba taageertay Xabashida.

Wasiir Huruuse oo fasiraad ka bixiyay xiriirka cusub ee labada dal ayaa shaaca ka qaaday in aysan waxba ku jabneen in Soomaaliya ay xiriir diblomaasiyadeed la yeelato Cuba.

“Cuba haddii ay shalay cadowgeenna ahayd , maanta inaan saaxiib noqono waxba kuma jabna” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aanay jirin sabab diideysa in Soomaaliya ay haatan dib usoo celiso xiriirkii ay lahayd Cuba oo horay go’ay, kadib markii ay la safatay Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay ku dhaqmayso siyaasad ku aadan in aysan cidna cadow ka dhiganin, isla-markaana la raacayo hal ku dhigga madaxweynaha ee ahaa Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Saaxiibadii caalamka ee Soomaaliya ayaa tartiib-tartiib u soo noqonaya, waxayna Cuba ku jirtay dowladihii ay dagaalka ku kala tageen Soomaaliya tobanaan sano ka hor.

Ruushka oo isku xilli ay xiriirka u jartay Soomaaliya isaga iyo Cuba, weli dib uma furan dafaaradiisii Muqdisho, balse burburkii kadib wax un cilaaqaad ah waa dhex mareen qaar kamid ah madaxdii soo hoggaamisay dalka.