Ibraahim Isaaq Yarow oo u jawaabay beelaha Muqdisho – “Cid gaar ah wax kama dhihi karto arrinta Muqdisho”

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga isku dhafka ah ee loo xil saaray dhammeystirka xeerarka doorashooyinka qaranka xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa wareysi uu siiyey BBC-da farriin ugu diray beelaha Muqdisho ee u doodaya in magaalada ay hesho xuquuqda ka maqan.

Ibraahim Isaaq Yarow, oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in go’aan ka gaarista matalaad uu helo gobolka Banaadir ay tahay arrin u taalla baarlamanka oo cid gaar ah aysan waxba ka dhihi karin.

“Arrinta matalaadda Aqalka sare ee gobolka Banaadir, cid gaar ah waxba kama dhihi karto. Sidaas darteed arrintaas waxay ka mid tahay waxyaabaha baarlamaanka hortagi doona ee uu xal ka gaari doono,” ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Muqdisho ay tahay magaalo dadka kasoo jeeda ay ka kooban yihiin umadda Soomaaliyeed oo dhan, oo aanay ahayn beel gaar ah.

“Dadka kasoo jeeda deegaankaas – oo umadda Soomaaliyeed oo dhan ka koobanna – dadaal badan bay wadeen, baaqyo badan bay soo jeediyeen, oo ay leeyihiin xuquuq baan leenahay, waana in goleyaashii nalagu matalo, waxaana u baahan nahay in baaqeenna laga jawaabo,” ayuu yiri.

Hadalka Ibraahim Siaaq Yarow ayaa imanaya ayada oo guddiga uu hoggaamayo uu dhowaan soo jeediyey in gobolka Banaadir 7 xubnood laga siiyo Aqalka Sare, balse lagu qeybiyo habka 4.5.

Qorshahaas ayaa waxaa aad uga horyimid beesha Mudulood oo ah beesha ugu badan ee degta Muqdisho, hase yeeshee hadalkan cusub ee kasoo yeeray Ibraahim Isaaq Yarow ayaa caddeyn u ah sida ay u luntay saameyntii ay beeshan ku lahayd siyaasadda Soomaaliya, oo hadda ay mareyso in aayahooda ay go’aamiyaan dad gobollo kale ka yimid, ayaga oo aan waxba ka qaban karin, haddii ay hadlaanna aanay jirin cid dhageysata.

Waxaa horey u jiray tijaabooyin dhowr ah oo la qaaday si gobolka looga dhigo mid aanay beel gaar ah sheegan karin kuwaas oo lagu guuleystay kadib markii Muduloodka ay ka hadli waayaan, waxaana tallaabada guddigan uu qaaday loo arkaa tijaabadii ugu dambeysay. Halkan ka aqriso warbixintaas.