Guulihii ay Somalia gaartay oo la shaaciyey inay halis ugu jiraan in si fudud loo waayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guulaha amni iyo kuwa siyaasadeed oo ay Soomaaliya gaartay sanadihii la soo dhaafay waxay halis ugu jiri karaan dib-u-noqosho haddii aysan tallaabo degdeg ah ka qaadin beesha caalamku, si ay uga caawiso in mas’uuliyiinta guduhu ay ka hortagaan dhibaatooyinka waawayn ee bani’aadamimo ee ay sababeen isugaynta raadka ay reebeen daadadka ba’an ee ayaxa iyo saamaynta baahsan ee cudurka COVID-19. 

War qoraal oo xalay ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM),  kuna saxiixnaa Justin Brady, Isku duwaha Xafiiska Qaramada Midoobey ee Arrimaha Bani’aadanimada ee Soomaaliya ahna Madaxa Hay’adda OCHA ee Geeska Afrika ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay halis ugu jirto dib u dhac ku yimaada guulihii ay ku tallaabsatay sanadihii tagay.

Soomaaliya hababka wax qabsashadu aad ayey uga yar tahay kuwa dalalka deriska la ah. Sidaa daraadeed, saamaynta [daadadka, ayaxa iyo COVID-19] maahan mid bani’aadamnimo oo fudud, balse waxay leedahay suurtagalnimo inay dib-u-celiso qaar ka mid ah guulihii amni iyo kuwii siyaasadeed ee ay beesha caalamku maalgelisay tobankii sanadood ee tegey, ”ayuu yiri Justin Brady oo ka tirsan QM Xafiiska Isu-duwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ee Soomaaliya.

“Waxaan u baahan nahay inaannu sii wadno wada shaqaynta isla markaasna ballaarino iskaashiga aannu la leenahay ganacsatada gaarka ah, bulshada rayidka iyo inaan wadashaqayn dheeraad ah la yeelanno qurba joogta,” ayuu ku daray MdBrady, oo ah madaxa xafiiska OCHA ee waddamada Geeska Afrika.

Ku dhawaad 500,000 oo dad ayaa ku barakacay fatahaadihii dhowaan ka dhacay Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, xilli waddanku uu la tacaalayo ayax daran oo beeraha galay kaas oo khatar ku ah amniga iyo nafaqada cunnada dad badan. Isla waqti ay Soomaaliya wax ka qabanayso faafitaanka safmarka COVID-19.

Md. Brady ayaa sheegay in digniinta QM ay tixgalineyso daciifnimada qaab dhismeedka Soomaaliya, taasoo ka dhigaysa dalka mid aad uga nugul wadamada kale ee gobolka, wuxuuna ku baaqayaa “in cududda la iskugu geeyo si looga hortago waxa ugu xun.”

Dad ka barakacay fatahaadaha

Laga soo bilaabo bishii Nofeembar ee sannadkii lasoo dhaafay, QM waxay si dhow ula shaqaynaysaa maamullada gudaha iyo saaxiibada, si loo go’aamiyo isla markaasna loo gaaro baahiyaha degdegga ah ee dadka Soomaaliyeed oo ay saameeyeen fatahaaduhu, kuwaas oo ay ku jiraan in la diro agabka gargaarka degdegga ah iyo bixinta adeegyo nafo-badbaadin ah, iyadoo loo marayo saaxiibbada goobta joogga ah. Gargaarka ayaana illaa maanta socda.

“QM waxay bixisaa hoy iyo agabyo aan cunto ahayn sidoo kale waxay eegeysaa suuragalnimada cudurrada faafa sida shuban-biyoodka, daacuunka iyo nafaqo-darrida oo inta badan soo ifbaxa waqtiyada fatahaadaha,” ayuu yiri Md Brady.