Xog: Madaxweyne Biixi oo laga baaray Coronavirus, xili wasiiradiisa laga helay

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan soo shaac baxday in wasiiro ka tirsan xukuumada Muuse Biixi laga helay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, sida ay baahisay wasaarada caafimaadka Somaliland.

Wasiiradaasi oo tiradooda lagu sheegay 2-wasiir ayaa cudurka laga helay kadib markii ay wasaarada caafimaadka Somaliland ay baaris ku sameysay, maadama ay isku arkeen calaamado kamid ah kuwa cudurkaasi.

Xaalada caafimaad ee madaxweyne Muuse Biixi ayaa himika ah mid wanaagsan, iyada oo laga baarayna cudurka Coronavirus, sida ay ilo xogogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Muuse Biixi lagama helin cudurkaasi kadib markii ay soo baxday natiijada baaritaankiisa oo noqotay ‘Negative’.

Muuse Biixi ayaa hore u qaaday talaabooyin uu uga fogaanayo wasiiradiisa iyo gebi ahaanba shaqaalaha kala duwan, isagoona xadiday dadka la jooga, xili uu gudaha Somaliland kusii baahayo cudurka Koronuhu.

Madaxweynaha ayaa taxadar badan muujinayey tan iyo intii uu cudurkaasi uu soo gaaray deegaanada Somaliland, midaasi oo la rumeysan yahay inay xayn-daab uga noqotay in cudurku usoo gudbo.

Biixi ayaa dhowr jeer halis u galay cudurkaasi, sida ay aaminsan yihiin xubno kamid ah wasaarada caafimaadka, maadama uu ka qeyb galay kulamo ay boqolaal ruux iskugu yimaadeen.

Mana jiro ilaa hadda wax war ah oo ay xukuumada Somaliland kasoo saartay baaritaanada lagu sameeyay madaxweyne Muuse Biixi.