Madaxweyne Muuse Biixi oo si cajiib ah uga jawaabay farriintii baaq shacab

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay baaq xasaasi ahaa oo dhawaan kasoo baxay qaar kamid ah bulshada reer Somaliland, kaasi oo loogu magac daray ‘baaq shacab’.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si cajiib ah uga jawaabay qeybo kamid ah baaqaasi, taasi oo lagu dhaliilayay hanaanka loo wado aqoonsi raadiska iyo maxsuul la’aanta lugaha la gashay 30-ka sanno.

Muuse Biixi ayaa sheegay inay wax badan u qabsoomeen Somaliland, xili ay qaar kamid ah bulshadu rumeysan tahay in gebi ahaanba lagu khasaaray madax-banaanid ay ku doodo Somaliland.

Sidoo kale waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay dadka reer Somaliland ee ku baaqaya in dib loo soo celiyo midnimadii luntay.

“Somaliland, 30-kaa sano Dawlado ma ictiraafin, dhaqaale buuran lama siinin, IMF waxba ma siinin, Cidi wax u sheegan mayso, 30-kaa sanadoodna way koraysay oo maalinba Tallaabo ayay qaadaysey, waana Qarankaa dhisan ee aan Cidna aqoonin Ilaahay mooyaane, waa kal-samaanta iyo Isku Kalsoonida, waa wax wada qabsiga, waa marka wax la kala tirsado isku tanaasulka, waa marka aad wax qoonsato Qaranka dhowr, laakiin Dantaada sheego” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaan la yaabay, Dad halkan jooga ayaa waxay yidhaahdaan Midnimo iyo Dalkii jiray iyo waxaa soo hadal qaada oo halkee ka socotaa? Soomaalidu inay midowdo, Sharaf yeelato oo ay wax noqoto waynu ugu jecel nahay”.

“Markaa Ninka maanta Xamar u hadaaqaya ama hadal-haya ama Somaliland u dhaleecaynaya xiriir uu Xamar la yeesho iyo wuxuu ka doonayo berito ama Ninka Baarlamaanka Xamar ee la hadal hayo Gaashaanka u tumanayoow, waar ma Qaran-baad eegaysaa mise naftaada”.