Kiisaska CORONAVIRUS ee Somaliland oo sii kordhaya

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta shaacisay kiisas cusub oo la xiriira cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19.

Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa warbixinteedii maalinlaha aheyd ku sheegtay inay maanta soo kordheen 18-kiis oo hor leh, kuwaasi oo kamid ahaa 80-qof oo laga baaray cudurkaasi.

Dadka cusub ee cudurkaasi laga helay ayaa 15-qof oo kamid ah waxay ku noolyihiin magaalada Hargeysa, halka ay 3-ruux ee kale ay ku sugan yihiin magaalada Boorama.

Wasaarada ayaa si cad u sheegtay in dadkaasi cusub ee laga helay cudurkaasi ay ku jiraan xaalad karantiil oo lagu hayo goobaha wasaaradu ugu talo gashay in lagu hayo dadka uu soo rito cudurkaasi.

18-ruux ee maanta laga helay cudurkaasi, ayaa lagu kala sheegay inay 10-qof yihiin Rag, halka ay 6-ruux ee kale ay yihiin Dumar.

Tirada guud ee cudurka Coronavirus ee gudaha Somaliland ayaa gaartay 376-kiis, halka ay ka bogsadeen cudurkaasi 54-ruux, iyada oo cudurkaasi ay u geeriyoodeen 22-qof, inta la ogyahay.