Masar, Imaaraadka Carabta iyo sadex dal oo Yurub ah oo ku dhowaaqay isbaheysi ka dhan ah Turkiga

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa ku dhawaaqday xulufo ka dhan ah Dowladda Turkiga oo ay ku jiraan Greece, Qubrus, Imaaraadka Carabta, iyo Faransiiska si looga hortago dhaq-dhaqaaqa Turkiga ee Libya iyo badda Meditareeniyaan-ka.

Ku dhawaaqistaan ayaa waxay timid kadib shir muuqaal ah oo ay wasiiradda arrimaha dibadda dalalkan yeesheen 11-kii May, sida xog cusub lagu ogaaday.

War ay soo saareen ayey ku sheegeen, in xulufaddu ay diiradda saari doonto ka hortagista dhaq-dhaqaaqa Turkiga ee Qubrus, halkaas oo ay Turkiga ku eedeeyeen in uu si sharci darro ah dhulka wax ugala baxayo.

Xulufaddu waxay sidoo kale cambaareeyeen xadgudub ay sheegeen in Turkigu uu ku sameeyay hawadda Greece.

Midowga Europe ayaa 16-kii May cambaareeyay howlgallo khayraad baaris ah oo Turkigu ka waday Qubrus tan iyo bishii April ee sanadkaan.

Warka xulufadda waxaa sidoo kale lagu cambaareeyay ficiladda Turkiga ee Libya iyo heshiis isfaham ah oo ay labada Dowladood ka gaareen xuduudda Meditareeniyaan-ka iyo iskaashi militariga iyo amniga ah.

Heshiiskaas waxaa ay Dowladuhu kala sixiixdeen bishii November 2019.

Bishii May 14-keedii, shirkadda baarista shidaalka ee Turkiga ayaa codsi u gudbisay Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Libya, kaasi oo ay kaga dalbatay ogolaansho ay shidaal baaris uga sameyso dhinaca bari ee badda Meditareeniyaanka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa 17-kii May waxa uu sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Libya Fayez al-Sarraj lala hadlay tallaaboyinka lagu fulinayo isfahamka la gaaray.

Xulufadda liddiga ku ah Turkiga waxa ay cambaareeysay dagaalka ka socda Libya, waxayna Turkiga ugu baaqday in uu joojiyo dagaalamayaasha shisheeye ee ay uu ka waday Suuriya islamarkaana geeyay Libya.

Dhaq-dhaqaaqa military-ga Turkiga ee Liibiya ayaa beddelay jihadii dagaalka u dhaxeeyay xukuumadda Tripoli iyo dagaal-ooge, Jeneral Khaliifa Xaftar.

Ciidanka Xaftar waxay dib uga gurteen garoonka Al-Watiya kadib weerar adag oo ay ku qaadeen ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya kuwa Turkiga, sida uu sheegay Axmed Al-Mismari oo ah afayeenka ciidanka Khaliifa Xaftar.

Warka kasoo xulufada ka dhanka ah Turkiga waxaa lagu soo geba-gabeeyay in ay sii wadi doonaan wadatashiyo joogto ah oo lagu xaqiijinayo dadaalka xulufada ee ah in Turkiga lagu hayo gacanka Meditareeniyaanka.

Warkaani waxaa uu kiciyay caradda Ankara. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in Ankara ay ku guuleysatay  in ay ka hortagto qorshihii burburinta ee dalalka Imaaraadka, Masar iyo Ruushka iyo dadaalkooda ay ku taageerayaan afgambiga Libya.

Masar iyo Imaaraadka Carabata waxay si furan u tageeraan Jeneral Khalifa Xaftar. Madaxweynaha Masar Cabdul Fitaax Al-sisi ayaa ku dhawaaqay December 2019 “waan taageereynaa Khalifa Xaftar, kamana tagi doono.”

Bishii April ee sanadkaan Imaaraadka Carabta ayaa amaanay dadaalka Khalifa Xaftar ee ka hortagga maleeshiyaadka xagjirka ah ee Libya, sida hadalka loo dhigay.

Tariq Fahmy oo ah professor cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda Qaahira ayaa u sheegay wargeyska Al-Monitor, “Xulufadda shanta dhinac waxay ku guuleysteen hadafkoodii ugu horreeyay ee inay soo jeediyaan dareenka Ankara, taasi oo ku cad warka wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ay ku weerartay wadamadaas.”

Waxaa uu sheegay “in ka mid noqoshadda Faransiiska ee xulufadaas ay muhiimad ku fadhiso, maadaama loo arko awood ka tirsan Midowga Yurub, kaasi oo ka qayb qaadan kara cuneqabateyn lagu soo rogo Turkiga.”

Fahmi waxaa uu intaas ku daray in “Faransiisku uu door muhiim ah ka cayaari doono xulufadda sababtoo ah waa xubin joogto ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sidaas darteedna waxaa uu codka qayaxan dul saari karaa go’aan kasta oo la xiriira dhaq-dhaqaaqa Turkiga ee Libya.”