SACIID DENI oo shaaciyey sida uu u arko hadalkii ka soo yeeray R/W KHEYRE

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa taageero u muujiyey hadalkii Ra’iisul Wasaare Kheyre uu hoosta uga xariiqay in xukuumadiisa ay ka go’antahay in dalka doorasho la isla ogolyahay ay ka dhacdo xilligeeda.

Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyay hadalkaas kasoo yeeray Ra’iisul wasaaraha, isaga oo ka dalbaday in hadalkaas uu ficil u bedelo.

“Waxaan rabaa in aan ku bogaadiyo golaha xukuumadda federaalka iyo Ra’iisul wasaaraha uu ka jeediyey shirkii u dambeeyay ee Khamiislaha, kaas oo golaha uu kula dardaarmay sidii doorashadu waqtigeeda ugu dhici laheyd, doorasho saamileyda siyaasada dalku ay ka tashadeena ay u dhici laheyd, runtii hadalkaas waa mid mugleh, waana hadalkii ay Puntland ku baaqi jirtay,” ayuu yiri Deni.

Isaga oo hadalkiisa sii watay ayuu yiri, “Waxaan u baahanahay hadalkii Ra’iisul wasaaraha oo ficil ah, oo wado sax ah loo maray, weli waxaan muuqan shirarkii aan ku baaqnay marar badan, kuwaas oo ahaa in dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay kulmaan, si ay uga arinsadaan doorashada nagu soo fool leh, in dib  u dhac uusan ku imaan xilliga doorashada waa arin muhiim ah.”

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in wax kasta oo saamileyda siyaasada dalka aysan ku heshiin aysan Puntland aqbali doonin.

“Baarlamaanka aan xulashada shacabka Puntland ku imaan ee hada waqtigiisa ay ka harsantahay afar bilood go’aan nagama gaari karaan arintaas si cad ayaan u sheegeynaa, in lagu kadsoomana ma rabno, go’aanka Puntland golayaasheeda kala duwan ayuu dhex yaallaa iyo waxgaradkeeda, iyaga ayaana masiirkooda ka tashan doona,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Deni oo khudbadiisii bilaha aheyd ka jeedinayey Garowe.

Hoos ka dhageyso codka Deni