Xog: Ra’iisul Wasaare Kheyre qeyb ma ka yahay xisbiga cusub ee Nabad iyo Nolol?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbi siyaasadeedka Nabad iyo Nolol ayaa shalay si rasmi ah looga diiwaan-geliyey xarunta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran, kadib markii uu gudbiyey warqadaha codsiga diiwaan-gelinta, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Xisbigan ayaa waxaa guddoomiye ku-meel gaar ah looga dhigay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, sida aan xogta ku helnay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uusan qeyb ka ahayn xisbiga, islamarkaana aan xitaa lagu war-gelin diiwaan-gelintiisa.

Mahdi Guuleed ayaa kulankii Tubta Siyaasaddda ee shalay ka dhacay xafiiska Kheyre kaga dhowaaqay diiwaan-gelinta xisbiga, waxayna ahayd markaas un markii uu ra’iisul wasaaraha ka war-helay.

“Markii Mahdi Guuleed uu arrintan shaaca uga qaaday kulanka Tubta Siyaasadda, waxay lama filaan ku noqotay ra’iisul wasaaraha iyo wasiiro badan, waxay ahayd arrin aan horey loo sii ogeyn,” waxaa sidaas Caasimada Online u sheegay wasiiro kulanka fadhiyey, waxaana xaqiijiyey xafiiska Kheyre.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweyne Farmaajo uu amray Mahdi Guuleed diiwaan-gelinta xisbiga, ayada oo Kheyre aan lagala tashin, Mahdi Guuleed-na uu fuliyey amarka madaxweynaha. Mahdi iyo Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inay aad isugu dhow yihiin.

Xisbiga aan illaa hadda la ahayn wax xubno ah, waxaana la sheegay in xitaa ajendihiisa siyaasadeed aan la qoin.

Kheyre ayaa toddobaadkii tegay qaaday tallaabo lama filaan isaga oo sheegay inay qasab tahay in dalka ay doorasho uga dhacdo waqtigii loogu talo-galay, taasi oo madaxweynaha uu diidan yahay, waxaana soo baxaya inuu jiro khilaaf labada dhinac ah.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa muddo lagu xamanayey inuu doonayo inuu isu sharxo madaxweyne, inkasta oo wararkaas ay qaboobeen bilihii dhowaa, una eg tahay inuusan sidaas sameyn doonin.

Diiwaan-gelinta xisbiga cusub ayaa imaneysa ayada oo toddobaadyadii dhowaa xukuumadda lagu eedeynayey in sababta aysan weli xisbi u sameysan ay tahay, inay dooneyso muddo kororsi iyo inaysan doorasho dalka ka qaban.