Tijaabadii ugu dambeysay kahor inta duqa Muqdisho aan loo magacaabin qof aan gobolka u dhalan

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa degan dad ilaah xaalkooda ogyahay. Waxay aqbalaan wax kasta oo Soomaalida gobollada kale ee dalka aan lagu dayi karin, inay ogolaadaan iska daa’e.

Waxay markii hore ogolaadeen in magaalada aysan wax matalaad ama saami ah ku yeelan hananaka siyaasadda dalka, ayada oo ay wakiil ka yihiin dad dadkooda ku iibsada dantooda shakhsiga ah (Adiga ayaan kaa hadlayaa Shariif Sheekh Axmed), kadibna kuwii xaqooqda la duudsiiyey kama dhiidhin.

Waxay ogolaadeen inay dul degto dowlad aysan wax matalaad ah ku lahayn, oo qaadata dhammaan dakhliga gobolka soo gala, kadibna usoo celisa wax ka yar 15%, inta kalena ay kala qaataan dad ka yimid gobollada kale ee dalka oo magaalada ugu soo shaqo taga magaca dowladnimo Soomaaliyeed.

Waxay ogolaadeen welina raali ka yihiin in Imaamyadooda iyo Ugaasyadooda ay noqdaan caado qaatayaal laga biilo Villa Somalia, oo qof kasta oo isku daya inuu u qeyliyo xuquuqda magaalada ayaga aamusiya, inta aanba la gaarin kuwa magaalada usoo shaqo taga ee ay dhibeyso inay maqlaan in laga hadlo xuquuqdeeda.

Waxay ogololaadeen in qof ka yimid Puntland uu guddoomiye degmo ka noqdo Cabdcasiis oo dadka degan ay yihiin Mudullood, ayada oo jidkan ay uu jeexay siyaasi aan ka fakarin cawaaqibka mustaqbalka ka dhalan kara ficilladiisa (Adiga ayaan kaa hadlayaa Taabit Cabdi), inkasta oo uu Farmaajo ku cadaadiyey.  Hadda Cabdicasiis waxay noqotay degmo sharciyan qof aan Puntland kasoo jeedin loo magacaabin karin, waxaana taas caddeeyey markii guddoomiyihii hore ee geeriyootay lagu beddelay mid kale oo ku beel ah.

Waxay sidoo kale ogolaadeen in qof kasoo jeeda Koonfur Galbeed loo magacaabo xogahayaha maamulka gobolka, inkasta oo markii dambe lagu beddelay qof reer Hiiraan ah.

Waxaa hadda ku xigay in guddi isku dhaf ah oo ka socda labada Aqal ay Axaddii soo jeediyeen in 7 kursi lagu daro Aqalka Sare, kuwaas oo ka iman doona Muqdisho, ayada oo lagu qeybsan doono nidaamka 4.5, oo macnaheedu yahay in dad aan gobolka u dhalan ay matali doonaan danihiisa.

Waxaa yaab leh in guddigan oo uu madax ka yahay Ibraahim Isaaq Yarow oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, ay go’aaminayaan aayaha Muqdisho, halka kuwa u dhashay gobolka aysan wax talo iyo tusaale ah ku lahayn, oo ay diyaar u yihiin inay aqbalaan wixii ay usoo go’aamiyaan dad ay ka tiro, awood iyo dhaqaale badan yihiin intaba.

Arrinta walaaca leh ayaase ah in qorshaha awood ku qeybsiga Muqdisho ee 4.5 uu yahay horudhaca hindise ka weyn oo soo socda. Waa tijaabadii ugu dambeysay ee la marsiinayo dadka aan damiirka iyo dadnimada lahayn ee magaalada dega.

Waxaan shaki ku jirin in haddii qorshahan uu meel maro, oo aan laga hortagin inay xigi doonto inaad aragto in duqa Muqdisho loo magacaabo qof kasoo jeeda Puntland, ama Somaliland ama Gedo, oo aan Muqdisho u dhalan.

Haddii 4.5 lagu qeybsado wakiilada Muqdisho ee Aqalka Sare, maxaa diidayda in xilka duqa Muqdisho uu noqdo mid wareegto ah oo beelaha u mara hab 4.5 ah? Dadka Muqdisho waxaa la marinayaa tijaabadii ugu dambeysay, baal aan aragno sida ay uga gudbaan.