Ibra oo u dhameeyey England iyo France oo dubatay Italy.

Netherlands iyo Germany ayaa isla dhaafi waayey barbaro goolal la’aan ah, ciyaar ka dhacday Amsterdam ArenA — ee magaalada madaxda Holland.

Ciyaarta oo inta badan aheyd mid isku dheeli tiran ma muuqan wax fursado ah oo labada xul ay goolal isaga dhalinm kareen.

Xulka Sweden iyo Kabtankooda Zlatan Ibrahimovic ayaa cagta mariyey xulka England oo marti ugu ahaa garoonka dhowaan daaha la qaaday ee Friends Arena — ee dhaca magaalada Solna.

Zlatan Ibrahimovic ayaa daqiiqadii 20aad goolka u furay xulka martida loo ahaa, ka hor inta uusan Danny Welbeck Three Lions u barbareyn daqiiqadii 35aad.

Daafaca Tottenham Steven Caulker ayaana hugaanka u dhiibay xulkiisa England laba daqiiqo ka dib, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Kabtanka xulka Ingiriiska Steven Gerrard  oo caawa xulka u safanayey kulankiisii 100aad ayaa daqiiqadii 75aad lagu bedelay Tom Huddlestone.

Kabtanka xulka Sweden Zlatan Ibrahimovic ayaa isla ekeeyey ciyaarta daqiiqadii 78aad, Zlatan  ayaana sedaxleydiisa ka dhameystirtay England lix daqiiqo ka dib. iyadoo uu mar kale shabaqooda ku laabtay Zlatan Ibrahimovic daqiiqadihii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray.

Italy ayaa guul darro 2-1 ah kasoo gaartay xulka France, oo marti ugu ahaa Stadio Ennio Tardini — ee magaalada Parma.

Gool ma gefe Stephan El Shaarawy ayaa hugaanka u dhiibay xulka Talyaaniga daqiiqadii 35aad, ka hor inta uusan laba daqiiqo ka dib France u barbareyn Mathieu Valbuena. Sidaas ayaana lagu kala nastay qeybtii hore.

Weeraryahanka kooxda Lyon Bafetimbi Gomis ayaa hugaanka u dhiibay xulkii 2006dii laga qaaday koobka aduunka daqiiqadii 67aad. Iyadoo Faransiisku ay guul ka gaareen xulka ay inta badan ku xafiitamaan kubada cagta.

Ciyaaraha kale Gabon ayaa gurigeeda barbaro 2-2 ah ku celisay xulka Portugal, Turkey ayaa barbaro kula heshiiyey Denmark oo marti u aheyd, Romania  ayaa 2-1 ugu awood sheegatay Belgium-ka oo marti u ahaa, halka Hungary  ay guul darro 2-0 ah kala kulantay Norway.

Natiijooyinkii kulamadii saaxiibtinimo ee caawa dhacay.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.