David Navarro: Fariin raali geli ah ayaan u diray Cristiano Ronaldo.

Ciyaaryahanka kooxda Levante David Navarro ayaa daaha ka qaaday inuu fariin raali gelin ah u diray weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo, ka dib markii uu isha ka dhaawacay intii ay socotay ciyaar u dhaxeysay labada koox axadii lasoo dhaafay.

Daafaca ayaa isha korkeeda ka dhaawacay kabtanka xulka Portugal xilli ay ku hardamaayeen kubad madax ah intii lagu jiray qeybtii hore ee ciyaarta ee u dhexeysay labada koox, taasoo keentay in weeraryahankii hore ee Manchester United loogu yeeri waayo xulkiisa ka dib dhaawacan.

Ronaldo ayaan awoodeyn inuu isha furo taasoo keentay in markii uu gool dhaliyey qeybta hore, ka dib la bedelo. Navarro ayaana go’aansaday inuu raali gelin siiyo xidiga heerka caalami ee dalka Portugal ka dib ciyaarta.

“Waan arkay runtii inaan dhaawac kuu geystay, waan kaa raali gelinayaa,” ayaa ku qornaa Fariinta sida laga soo xigtay Intereconomia.

Waxaa la rumeysan yahay inuusan weli Ronaldo kasoo jawaabin raali gelinta la siiyey.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.