Scolari: Neymar wuu ka fiicanaan karaa Messi iyo Ronaldo.

Luiz Felipe Scolari ayaa rumeysan inuu Neymar ka fiicaan karo Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Xidigaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa la rumeysan yahay inay yihiin haatan kuwa caalamka ugu wanaagsan laakiin tababarihii hore ee xulalka Brazil iyo Portugal ayaa sheegay in weeraryahanka Santos uu xitta ka fiicaan karo xidigaha ka xamaasha La Liga.

“Messi, Cristiano Ronaldo iyo Neymar waa sedaxda ciyaryahan ee caalamka ugu fiican,” ayuu Scolari u sheegay saxaafada.

“Neymay wuu gaari karaa wuuna ka sara mari karaa [Ronaldo iyo Messi] sanadaha soo aadan.wuxuu ku fiican yahay Barcelona, sababtoo ah waa ciyaaryahan heer sare ah wuxuuna leeyahay tayo fiican. Hada wuxuu ka ciyaaraaBrazilwuuna ku faraxsan yahay.”

Scolari, oo Brazil ku hugaamiyey koobkii aduunka 2002dii ayaana sheegay inuu ilaa iyo haatan ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee kubada cagta soo mara u arko halyeeygii Selecao Pele: “Aniga ahaan Pele ayaa weli ii ah ciyaarayahankii ugu fiicnaa caalamka sanadana wuu sii ahaan doona.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.