Ruushka oo 2-2 la galay USA iyo Argetina oo mari weysay Saudi.

Russia ayaa barbaro 2-2 ah la galay xulka Mareykanka, ciyaar ka dhacday  Stadion Kuban’ — ee magaalada Krasnodar.

Fedor Smolov ayaa sagaal daqiiqo goolasha u daah furay xulka Ruushka, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Michael Bradley, ayaase xulka martida ahaa u keenay goolka barbaraha daqiiqadii 76aad, inta uusan garoose Rizzoli‎ goolku laad u dhigin Ruushka kaasoo markii dambe uu gool u sarifay Roman Shirokov. Waxaana daqiiqadii u dambeysay waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta USA goolka barbaraha u dhaliyey Diskerud.

Saudi Arabia ayaa barbaro goolal la’aan ah ay ku wada heshiiyeen xulka Argentina, ciyaar ka dhacday King Fahd International Stadium —  ee magaalada Riyadh, iyadoo xulka martida loo ahaa uu muujiyey geesinimo.

Weeraryahanka xulka Sucuudiga Al-Sahlawi. Ayaa u ekaa inuu gool laad xor ah shabaqa ku hubsaday laakiin garsoore Ali Abdulnabi‎ ayaa u sheegay inuu seeriga ka hor maray.

Weeraryahanka kooxda Wigan Di Santo ayaana xulkiisa ka qasaariyey fursad gool loo fishay, ka hor inta uusan Sergio Aguero isna gool qasaarin.

Tunisia  ayaa guul darro 2-1 ah iyagoo ku ciyaaraya gurigooda kala kulmay xulka Switzerland.

Natiijooyinkii ay kusoo dhamaadeen Ciyaaraha Saaxiibtinimo waa sidaan.