25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

IGAD oo ka walaacsan dhibaato kusoo wajahan Somalia, sida ay sheegtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Qorshayaha bankiga Barclays uu ku doonayo inuu ku joojiyo la shaqeynta xawaladaha Soomaalida lacagaha loogu soo diro ayaa waxaa digniin kasoo saaray urur goboleedka IGAD.

Bankiga Barclays ayaa sanadkaan ku dhawaaqay in 30 bishan uu xerayo lacagaha Somalida Ingiriiska ay usoo diri jireen dalka Soomaaliya iyo gobolka, iyadoo ay ugu wacan tahay sababo dhanka amaanka ah.

Madaxa urur goboleedka IGAD Mahboub Maalim ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka heli jireen xawaaladaha Somalida ee dalka ingiriiska fursad ah in dhaqaalaha ay usoo mariyaan dadka qurbo joogta ah.

Mahboub Maalim, ayaa sidoo kale sheegay in arintaasi ay horseedayso in dib ay usoo laabato falalkii burcadnimada, sida uu hadalka u dhigay.

War qoraal ah oo kasoo baxay urur goboleedka IGAD ayaa looga dalbaday bankiga Barclays in xawaaladaha Somalida uu ugu daro 12 bilood oo kale, si xal buuxa looga gaaro arimaha xawaaladaha.

“Inka badan 40 boqolkiiba shacabka Somalia ayaa luminaya qiyaastii 1.2 bilyan oo doolar sanadkii oo iyaga soo galayay, ku dhawaad 500 milyan oo doolar oo ka imaanaysay dalka Ingiriiska, ayaana ka mid ah lacagta la weynayo haddii la joojiyo shaqadaasi”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay urur goboleedka IGAD.

 Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News