Jabuuti (Caasimada Online) – Urur-goboleedka IGAD ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay in Eritrea ka baxday ururka, oo haatan u muuqda mid gacanta u galay Itoobiya.
IGAD ayaa sheegtay in Eritrea aysan ka qayb-galin kulamada iyo shaqooyinka ururka tan iyo markii ay dib ugu soo laabatay ururka sanadkii 2023. Eritrea ayaa sanadkii 2007 sidaan oo kale ka baxday IGAD, markaas oo ay diiday go’aankii ciidanka Itoobiya ku weerareen magaalada Muqdisho.
Go’aanka Eritrea ee haatan ayaa lagu saleeyay in IGAD ay “lumisay sharciyaddii iyo awooddii ay lahayd,” isla markaana aysan jirin “dan istiraatiiji ah oo la fahmi karo” oo ugu jirta ka sii mid ahaanshaheeda.
Eritrea waxay ku doodday in ururku uu marar badan ka gaabiyay waajibaadkiisii aas-aasiga ahaa iyo shuruucdii u degnayd, taas oo wiiqday jiritaankiisa iyo macnaha uu ugu fadhiyo gobolka.
Si kastaba, IGAD ayaa muujisay sida ay uga xun tahay in go’aankan lagaga baxay ururka la gaaray iyada oo aan la soo gudbin wax talooyin wax ku ool ah ama ka qayb-gal ku saabsan dib-u-habayn gaar ah oo hay’adaha ama siyaasadaha la xiriira.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka IGAD:
Urur-goboleedka IGAD ayaa sheegtay inay ka war heshay go’aanka ay dowladda Eritrea uga baxday ururka, taas oo lagu soo gudbiyay qoraal rasmi ah (Note Verbale) oo loo diray Xoghayaha IGAD.
IGAD waxay xustay in Eritrea ay iyadu iskood uga hakisay ka qaybgalka ururka muddo ku dhawaad labaatan sano ah, ka hor inta aysan si rasmi ah ugu soo biirin mar kale shirkii 14-aad ee Madaxda Dalalka iyo Dowladaha ka tirsan IGAD ee dhacay June 2023.
Markaas, Eritrea si wadajir ah oo diirran ayaa dib loogu soo dhaweeyay, taas oo muujinaysay ballanqaad loo dhan yahay oo ku salaysan ka mid ahaansho, mideyn goboleed, iyo dib-u-heshiisiin.
Tan iyo June 2023, IGAD waxay muujisay ka-xumaatin in Eritrea aysan ka qaybgalin shirarka, barnaamijyada, ama hawlaha IGAD. Intaas oo dhan, Xoghayntu waxay ku dadaashay samir iyo wanaag, iyadoo mar walba diyaar u ahayd wadahadal iyo is-faham wax ku ool ah.
IGAD sidoo kale waxay ka xun tahay in go’aankan lagaga baxay ururka la gaaray iyada oo aan la soo gudbin wax talooyin wax ku ool ah ama ka qaybgal ku saabsan dib-u-habayn gaar ah oo hay’adaha ama siyaasadaha la xiriira.
Ururku mar walba wuu furan yahay, waana joogteeyay diyaarinta wadahadalka iyada oo loo marayo hannaanada talo-wadatashi ee la aasaasay.
Iyadoo arrintaas laga duulayo, Xoghaynta IGAD waxay sii wadi doontaa wadashaqeynta iyo wacyigelinta ay la waddo Dowladda Eritrea, waxayna ku dhiirrigelinaysaa inay dib uga fiirsato go’aankeeda oo ay si buuxda ugusoo biirto Ururka iyadoo ku imaanaysa niyad wanaagsan, si loo hormariyo himilooyinka wadajirka ah ee nabadda, xasiloonida, iyo horumarka gobolka.
IGAD waxay mar kale xaqiijisay inay u heelan tahay fulinta waajibaadkeeda ku saabsan xoojinta iskaashiga goboleed, wadahadalka, iyo tallaabo-wadaagga loogu adeegayo bulshada Geeska Afrika.

