27.8 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

IGAD oo soo saartay dalab culus oo la xiriira ciidanka Masar ee la keenayo Somalia

Bookmark
Bookmarked

Share

Kampala (Caasimada Online)  – Urur Goboleedka IGAD oo warsaxaafadeed soo saaray, kadib shirkii ka dhacay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda ayaa soo saaray dalab culus oo la xiriira ciidamada Masar ee la keenayo gudaha Soomaaliya.

IGAD ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo dhammeystiro hannaanka ay dajiyeen Ururka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, si ciidamada Masar u yimaadaan Soomaaliya, qaybna ay uga noqdaan howlgalka cusub ee AUSSOM oo sanadkan ka bilowday dalka.

Sidoo kale Ururka IGAD ayaa xusay in ciidamada Masar ay si wayn uga qayb-qaadan karaan xoojinta nabadda iyo amniga Soomaaliya, si looga jawaabo xaaladaha amni ee taagan.

Waxaa kale oo bayaanka lagu sheegay in loo baahan yahay dardar-gelinta howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka, si looga hortago khatartooda gudaha iyo gobolka.

Dalabkan ayaa daba socda shirkii ka dhacay Kampala ee looga hadlay taageerada howlgalka cusub ee  AUSSOM, kaas oo laga soo saaray in howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya uu hadda u baahan yahay 8,000 oo askari oo dheeraad ah.

Warsaxaafadeed  laga soo saaray kulankaas oo ay yeesheen Wakiillo ka socda Jabuuti, Itoobiya, Masar, Kenya, Uganda, Soomaaliya, Midowga Afrika iyo hay’ado caalami ah ayaa lagu sheegay in yaraanta ciidanku ay abuurtay firaaqyo amni oo sababay “in Al-Shabaab dib ula wareegto deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.”

“Sidaas darteed, magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho waxay wajahayaan khatar soo food leh oo kaga imaanaysa Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo ay wakiilladu ka hadleen caqabadaha dhaqaale ee haysta howlgalka, iyagoo ugu baaqay saaxiibada caalamiga ah inay wax ka qabtaan baahida dhaqaale ee ah $96 milyan oo lagu daboolayo deynta ATMIS iyo $60 milyan oo loo baahan yahay si loo bixiyo kharashaadka afar bilood ee AUSSOM — howlgalkaas oo shaqadiisa bilaabay bishii Janaayo.

Soomaaliya ayaa muddo dheer la tacaaleysay kacdoonka kooxda Al-Shabaab, inkastoo dagaalka adag ee ay ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya nabad-ilaaliyaasha Midowga Afrika la galeen sannadihii 2022 iyo 2023 uu kooxdaasi ku qasbay inay dib u gurato.

Weerarro dhowaan ka dhacay magaalooyin muhiim ah ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo dib usoo xoogsashada Al-Shabaab, iyadoo dagaalyahannada kooxdaasi ay bishii Maarso isku dayeen inay weerar ku qaadaan kolonyada gaadiidka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo marayey caasimadda Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News