IGAD oo war kasoo saartay colaada sii hureysa ee Ethiopia iyo Sudan

Addis Ababa (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD oo ka hadlay xiisada colaadeed ee u dhaxeysa Itoobiya iyo Sudan ayaa ugu baaqay in labada dal is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficillada sii kordhin kara xiisadda.

Ururka oo xubno ka yihiin labada dal ayaa sidoo kale waxay u soo jeediyeen madaxda labada dal inay si fir-fircoon u raadiyaan habab diblumaasiyadeed si xal waara looga gaaro arrinta ay isku hayaan.

Baaqan ayaa imanaya ayada oo Arbacadii uu Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU) Moussa Faki Mahamat ugu baaqay Itoobiya iyo Suudaan inay bilaabaan wada-hadal ku saabsan muranka soohdinta.

Itoobiya iyo Sudan ayaa hadda midba midka kale ku eedeynaya “daan-daansi”, kaasi oo ka dhashay dhacdo dad lagu dilay xuduudda oo dhacday usbuucii hore.

Sudan ayaa waxay go’aansatay inay dacwad rasmi ah u gudbiso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka dhan ah Itoobiya, halka wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadaas ay go’aansatay inay si deg-deg ah ugu yeerto safiirkeeda u fadhiya Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa hore isaga fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah inay dileen toddobo askari oo Sudani ah oo maxaabiis ahaa, ayaga oo dhankeedana Sudan ku eedeysay in ay daan-daansi millatari ka waddo Itoobiya.

Si Kastaba, Itoobiya iyo Sudan ayaa muddo dheer ku muransanaa xuduudka Al-Fashaxa, oo ah dhul barwaaqo ah oo ay la-degaan beeraley Itoobiyaan ah oo Sudan ay ku andacooneyso in uu ku jiro xuduudkeeda.