Maxaa ka fulay ballan-qaadkii sanadkaan loo sameeyey xujeyda Soomaaliyeed

Makka (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS ayaa sanadkaan adeegga Xajka siisay 63 Shirkadood oo sanadkaan qaaday xujeyda Soomaaliyeed, waxayna wasaaradda sheegtay inay kala xisaabtami doonto masuuliyadda loo dhiibay.

Wasiir Cumar Cali Rooble ayaa horey u sheegay in wasaaradda iyo shirkadaha ay ku heshiiyeen in sanadkaan wax badan laga badalo adeegii loo qaban jiray xujeeda.

Waxaa jiro qodobada qaar ee heshiiska ku jiray oo aan la fulin iyo kuwii aan loo fulin sidii lagu heshiiyey, waxaana muuqata inaysan jirin kormeerayaal ka socda wasaaradda oo daba-gal ku sameenayo sida loola dhaqmay xujeeda.

Warbixintaan waxaan ku eegeynaa waxyaabaha ka suurtagalay ballan-qaadkii wasaaradda iyo shirkadaha sanadkaan la siiyey qandaraaska iyo kuwii aan la fulin.

  1. Huteelada la dajiyey

Shirkadaha iyo wasaaradda ayaa sanadkaan ku heshiiyey in xujeyda Soomaaliyeed la dajiyo meel xaramka u jirta ugu yaraan 1KM.

Inkasta oo heshiiskaas uusan sidii la rabay u hirgelin oo xujeyda la dajiyey meel 2K u jirto Xaramka, haddana marka loo eego sanadihii hore waxaa muuqata isbadal ku yimid Huteeladii la dajin jiray.

Xujeyda oo intooda badan ah dad waayeel ah oo socodka dhibayo ayaa dhibaato ku qabo inay Shanta Salaad u lugeeyaan Xaramka oo u jiro 2KM, iyadoo weliba laga soo qaaday lacag aad u badan.

  1. Cuntada Xujeyda

Wasiirka ayaa sheegay in sanadkaan heshiiska lacagta laga qaaday xujeyda oo ah 5,200 Dollar ay ku jirto cunto la siinayo xujeeda Soomaaliyeed, balse taas ma suurta gelin, waxaana xaqiijinay in xujeyda ay cuntada soo iibsadaan.

Huteelada la dajiyey Xujeyda oo ah seddex Hotel oo isku dhagan ayaan laheyn wax maqaayad laga cuno raashin, waxayna xujeyda ku qasbanaadeen inay tagaan maqaayado ka fog hoteelada ay dagan yihiin, halka qaar kalana ay cuntada ka iibsadaan gabdho cuntada ku iibiyo meelo u dhow Hotelka.

Xujeyda wadamada kale kasoo xajiyey ayaa waxaa Huteeladooda loogu geeyaa raashiinka seddexda waqti, weliba iyadoo wadamada qaar dadka kasoo xajiyey laga soo qaaday lacag ka yar midda laga qaaday xujeeda Soomaalida.

  1. Teendhooyinka Mina

Wasiirka ayaa sheegay inay shirkadaha qaaday xujeyda lagula heshiiyey inay sanadkaan xujeyda dajiyaan teendhooyin u dhow dhagax tuurka.

Inkasta oo aan la gaarin waqtigii xujeyda loo qaadi lahaa Mina, haddana sida aan ku helnay xogta waxaa sanadkaan xujeeda la dajin rabaa teendhooyin aan ka fogeyn halkii markii hore la dajin jiray oo aheyd meel 5KM u jirta dhagax tuurka.

Xujeyda Soomaalida ayaa sanadihii hore waxaa la dajin jiray meel ka baxsan xeendaabka Mina oo ka tirsan Musdalifa, balse sanadkaan maadaama xujeyda ay yar tahay waxaa suurta-gashay in la dajiyo teendhooyinka ku yaalo Mina balse aad uga fog dhagax tuurka.

Xujeyda Soomaalida ayaa ku qasban inay daqiiqado badan usoo lugeeyaan dhagax tuurka si ay dhagaxa u tuurtaan.