IGAD oo war lagu qoslo kasoo saartay heshiiska BADDA ee Somaliland iyo Itoobiya

Jabuuti (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD ayaa war-saxaafadeed lagu qoslo kasoo saaray xadgudubka ay Itoobiya ku sameysay madax-banaanida Soomaaliya kadib heshiiskii is-afgarad ee ay la gashay maamulka Somaliland.

Bayaanka kasoo baxay xoghayaha guud ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu ayaan gebi ahaanba lagu soo qaadin heshiiska, waxaana taa beddelkeeda loo dhigay in khilaaf uu ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya. 

Bayaanka ayaa lagu yiri “Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee la xiriira Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. IGAD waxay si taxaddar leh ula socotaa xaaladda, waxayna aqoonsan tahay saamaynta ay ku yeelan karto xasilloonida gobolka.”

“Ayada oo la eegayo duruufaha jira, Xoghayaha Fulintu waxa uu usoo jeedinayaa madaxda IGAD in is-xakameeyaan, wuxuuna ka codsaday labada waddan ee walaalaha ah in ay iska kaashadaan sidii xaaladda loogu heli lahaa xal nabadeed oo saaxiibtinimo, lana ilaaliyo qiyamka la wadaago ee mideeya qoyska IGAD.”

“IGAD waxaa weli si xooggan uga go’an horumarinta nabadda, xasilloonida, iskaashiga, iyo is-dhexgalka gobolka.”

Waxaa xusid mudan in madaxa IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu uu yahay nin Itoobiyaan ah. Wuxuu horey usoo qabtay xilal kala duwan oo uu ugu weyn yahay xilka wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya, oo uu hayey 2016 illaa 2019.

Sidaa darteed, la-yaab ma lahan bayaanka lagu qoslo ee uu kasoo saaray gardaradda iyo xadgudubka uu dalkiisa ku sameeyey Soomaaliya.

War-saxaafadeedka IGAD ayaa sidoo kale mar kale xusuusin u ah in IGAD uu yahay urur ay maamusho, oo ka shaqeeya danaha Itoobiya, oo inta kale ay magac u yaal ka yihiin.