Iidle Yare oo Muqdisho yimid soona saaray war ku saabsan xaaladdiisa iyo qorshihiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka Cabdiraxmaan Cabdullahi Nuune (Iidle Yare) oo maalmihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayey xaaladiisa caafimaad ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Iidle oo degan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa soo gaaray  Muqdisho, waxaana caafimaad loogu qaadi doonaa dalka dibediisa, si wax looga qabto xanuunada haya oo ay ugu darantahay Buro madaxa uga taalla.

Markii uu soo gaaray Muqdisho wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay u istaageen, isagoo si gaar ah ugu mahad celiyey Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo la sheegay inay ka dambaysay in Iidle Yare xaaladiisa caafimaad loo raadiyo daryeel dibada ah.

“Waxaan aad ugu mahad celinayaa Maama Khadiija, waxaan ku leeyahay hooyo mahadsanid, waxaad tahay hooyo Soomaaliyeed, si gooni ayaan kuu salaamayaa hooyo,” ayuu yiri          Iidle Yare.

Waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Iidle Yare ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii aad ugu baahay baraha bulshada, kadib markii uu qoraal taabtay quluubta Soomaalida uu soo dhigay Facebook.

Farriinta Iidle Yare ee dadka Soomaaliyeed ka nixisay ayuu ku yiri, “Allaah ayaa idinkaga tegay ilmaheyga,” taas oo loo fasiray inuu taagan yahay xaalad quus ah, isla markaana uu isu qibleeyay geeri.

Tan iyo xalay, waxaa Nairobi ka socday dedaallo ay wadeen asxaabta iyo ehelka fannaankaas oo lagu xaqiijinayay badqabkiisa iyo halka uu ku sugan yahay.

“Sabtidii ayaan guriga ka baxay anigoo aaday cisbitaal. Markaas waxaa i xanuunayay gows. Markii aan cisbitaalka tegay, waxaa la ii sheegay in sokortayda ay kacsan tahay. Waan suuxay qol ayaa la i seexiyay, waxaan soo kacay anigoo moodaya in aan aakhiro joogo. Waxaan is iri waad dhimatay oo ma noolid,”ayuu yiri.

Mar uu ka jawaabay sababta uu u soo qoray erayada quusta ah ayuu yiri, “Halkii aan ka dhihi lahaa ilmahayga Soomaali ayaan idin kaga tegay, waxaan go’aansaday in aan iraahdo Alle ayaan idiinka tegay ilmahayga.”