Iiraan oo la sheegay in Hubka ay u waddo Xuutiyiinta ay usoo Mariso Xeebaha Soomaaliya.

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hubka Kooxaha Xuutiyiinta ay helaan oo la sheegay in Xeebaha Soomaaliya loosoo Mariyo.
Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobe ayaa laga soo xigtay Khamiistii Todobaadkii tagay in Hubka Dowladda Iiraan ay siiso Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay usoo mariyo dhanka Xeebta.

Nikki Haley oo ah Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in Gantaalada ay Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay ka ridayaan Yemen kuna Tuurayaan Sacuudiga ay kamid tihiin Gantaaladii Iiraan ee Xeebta usoo Marsiisay.
Xukuumadda Washington ayee sheegtay Nikki in aysan aqbali doonin in Dowladda Iiraan ay Gantaalo u gacan galiso Maleeshiyaadka Xuutiyiinta iyo waxa ay ugu yeertay Argagixisada.

Bishii November ayee sheegtay in Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee Yemen ku sugan ay ridaan Gantaalo Riddo Dheer.
Xukuumadda Washington ayaa aaminsan in Kooxda Nasrullaah ee Lubnaan ka dhisan ay ku xirmi karaan Xuutiyiinta, wadadaasine ay wado Xukuumadda Tahraan.

Iiraan Ayaa wajaheysa Eedeemo ah in ay hubeyneyso Dhinacyada ku sugan Dalalka Syria iyo Ciraaq, iyadoona Qaab tahriib ah hubka ugu geyso.

Tahriibinta Hubka ee Kooxda Xuutiyiinta ayee ku sheegtay in dhanka Xeebaha loosoo mariyo sida ay hadalka u dhigtay.

Hubka loo wado Yemen ayaa la sheegay in aanan si toos ah loo gelin, balse loosoo mariyo Xeebaha Soomaaliya si looga dhigo badeeco Soomaaliya u socota, kadibne loo leexiyo Yemen sida Sawir lasoo bandhigay ka muuqata.

Ciidamada Faransiiska ayaa 15-kii November gacanta ku dhigay Dooni hub usoo watay Soomaaliya, waxayna sheegeen in hubkaasi Kuuriyada Waqooyi ay kasoo iibsatay Iiraan, kadibne soomaaliya loosoo qaaday sida sheegeen Ciidamada Faransiiska.

Isha: Mustaqbal Radio
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com